Warbixin ay HUBAAL ka diyaarisay go’aammo cusub oo ay Xukuumaddu dhabta u saartay Shirkado loo tirinayo mas’uulliyadda sicir-bararka, sidoo kalena dul-dhigtay Shirkadda maamusha Dekedda Berbera DP World

 

Guddiga Dhaqaalaha Somaliland ayaa go’aammo ka soo saaray sicir-bararka, kuwaas oo lagu socod siiyey dhammaan shirkaddaha Telesom iyo Dahabshiil Group, ganacsatadda waaweyn dalka dibeddiisa ka soo dhoofiya alaabta iyo ganacsatadda qaadka.

Guddigan oo uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland u xil saaray sidii xal waara looga gaadhi lahaa sicir-bararka aafeeyey guud ahaan dalka ayaa maalintii arbacadda ee wiigi hore go’aammo ka soo saaraay, go’aammaddan oo aan wali la shaacin ayaa illo xog ogaal ahi usoo gudbiyeen Wargeyska Hubaal.

Haddaba xogahan uu Wargeyska Hubaal helay ayaa u dhignaa sidan: Wargeysku qodobboda uu helay waxaa ka mid ah in Shirkaddaha Telesom iyo Dahabshiil ee leh adeegga Zaad iyo E-Dahab, ay joojiyaan lacagta Dollar-ka ee lagu shubayo telefoonnada gacanta wixii ka yar $100 (Two Digits), kana saaraan nidaamkooda Dollar-ka muddo toban cisho gudahood ah.

Waxa kale oo Xukuumaddu go’aankan ay soo saartay ku socodsiisay shirkaddaha waaweyn ee leh bangiyada gaarka ah (Private Banks) sida Dahabshiil Group iyo Telesom Group, oo lagu amray in ay si rasmi ah u joojiyaan isku beddelka lacagaha sarifka ee qalaad (Foreign Money Exchange), sidoo kale ganacsatada waaweyn ee wax dhoofisa waxna soo dejisa (Import & Export) sida Shirkadda Oomaar, Shirkadda Deero iyo IWM, aanay iyaguna si toos ah iyo si dadban toona uga ganacsan karin isku beddelka lacagaha.

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi waxay amar ku soo rogtay shirkadda DP-world ee gacanta ku haysa marsadda Barbera inay Account ka furato Baanka Dhexe ee Somaliland, Account-kaas oo ay ku keyd san doonto lacagta ay ka qabato dekadda, kana soo wareegto Account-nada ay ku leedahay baannanka gaarka loo leeyahay.

Dhinaca kale waxaa go’aammaddan ka mid ah in la xoojiyo Baanka Dhexe ee Jamhuuriayadda Somaliland, Sida uu dhigayo Xeerka Baanka Cutubkiisa 2aad Qodobkiisa 4aad.

Waxaa wasaaradda maaliyadda lagu amray inay ku wareejiso baanka dhexe lacagtii dollar-ka ahayd ee ay ku qaban jirtay kuna keyd san jirtay Account gaar oo uga furnaa Baanka Dhexe.

Waxa kaloo shirkaddaha ka ganacsadda qaadka lagu war galiyey inay lacagta qaadka ku bixiyaan lacagtii ay awalba ku bixin jireen ee ahayd lacagta birta ah dalka itoobiya, kuwaas oo muddooyinkii ugu dambeeyey lacagta qaadka ku bixinayey dollar, taas oo sababtay sarif bararka ka jira suuqyadda Somaliland.

Ugu dambeyn waxa la filayaa in awaamiirtan ay soo saareen guddiga dhaqaalahu ay ka hirgalaan jamhuuriyadda Somaliland wiigaga fooda innagu soo haya.

Xigasho: Hubaal Media.

bandhige@gmail.com