Xarun Caafimaad oo laga furay Deegaanka Cadaad, Borama

Deegaanka Cadaad oo Borama 25 Km dhinaca Waqooyi ka xiga ayaa waxa laga hirgaliyey Xarun Caafimaad oo u adeegi doonta dadweynaha deegaanka. Cadaad waa deegaan beereed balaadhan, maamul ahaanna hoos timaada Degmadda Baki. Dadka ku nooli waa beeralay xoolo dhaqato ah. Adeegyada caafimaad oo guud ahaan dalkaba ku yar ayaa Cadaad iyo deegaanada ku xeeranna aan kaba jirin. Baahidaas ayaa keentay in qurbjoog reer Borama ah, deegaankana ka soo jeedaa, is abaabulaan, ka dibna ka yagleelaan xarun caafimaad Cadaad. Xarunta cusub ayaa loogu magac daray, Allah ha u naxariistee Ibraahim Magan Nuur oo  mayor ka soo noqday magaalada Borama.

Waxa la filayaa in xaruntan caafimaad ee cusubi ay daboosho adeegyada aasaasiga ah ee dadweynaha ku dhaqan deegaamada Abasaha Hoose, Dheenta, Xeego, Nadhi, Qolqol, Ciye iyo Badanbad. Xarunta Caafimaad ee Magan waxa loo dhisay qaab waafaqsan halbeegga caafimaad ee ay dejisay Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland, waxana ay ka kooban tahay qaybahan:

  1. Qolka Umusha
  2. Waadhka Umusha;
  3. Waadhka Bukaanjiifka;
  4. Waadhka Bukaansocodka
  5. Qolka Tallaalka;
  6. 2 Xafiis;
  7. Farmasii
  8. Bakhaarka dawooyinka la dhigayo;
  9. Barxad loogu talagalay ambalaaska;
  10. Laba musqulood iyo laba tuush;

Dhismaha iyo dhamaystirka xaruntani waxa ku kacay lacag dhan $45,000 (Shan iyo Afartan Kun oo Doolar), lacagtaas oo gabi ahaanba ay iska soo ururiyeen qurbejoogga deegaanka.

Munaasibaad xarunta caafimaad xadhiga lag ga jarayay waxay ka qayb galaywefti xukuumada ka socda oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad “Saajin”, Wasiirka Beeraha Mudane Axmed Muumin Seed, Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Cabdinaasir Cumar Jaamac, Badhasaabka Gobolka Awdal iyo Duqa magaalada Borama. Waxa kale oo munaasibada joogay dhakhaatiir, aqoonyahan, culimada diinta, haween iyo dhallinyar dhamaantood ay ka go’nayd inay dhiirigaliyaan  horumarinta adeegyada aasaasiga ah, gaar ahaan caafimaadka. Suldaan Xasan Xaddi Baade oo ah Suldaanka deegaanka ayaa u mahadnaqay qurbojoogtii dhistay xarruntan, dadka deegaankana ku dhiirigaliyey inay dhakhtarka ilaashadaan, halka uu dawladana ugu baaqay inay  qorshaha ku darsato oo dawooyin, dhakhaatiir iyo qalab caafimaad ba la ogaato xarunta caafimaad ee Cadaad laga dhisay. Wasiir ku xigeenka caafimaadka ayaa isna sheegay in Cadaadi buuxisay shuruudihii looga baahnaa, sidaa darteed na xukuumadu la wareegtay socodsiinta xarunta.

Isku soo wada duuboo, talaabo lagu diirsado ayay qurbojoogaasi qaadeen, in lagu daydana waa mudan yihiin.

Bandhige@gmail.com