Qarax mar dhawayd gilgilay Qaahira

Lix askari oo boolis ah ayaa ku dhaawacmay qarax Khamiistan saaka gilgilay Qaahira. Sidaas waxa sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Qaraxa waxa lala buugsaday degmada waqooyiga Qaahira dhacda ee magaceeda la yidhaa Shubra al-Khaima.

“Nin watay gaadhi xawli ku socda ayaa gaadhigii joojiyey xafiiska aminga ee degmada. Kadibna inta uu orod kaga degay ayuu raacay mooto (dhugdhugley) meel u taagnaydn. Sidaas ayaanu qaraxa ku fuliyey waanu baxsaday” ayaa lagu yidhi war-saxaaadeed ka soo baxay Wasaaradda Gudaha.

In kastoo uu qaraxu mar dhawayd uun dhacay, haddana waxa ay u eg tahay in aan weli wax dhimasho ahi ma jiraan sida ay ku waramayso wakaaladda wararka AFP.

Muddooyinkii u dambeeyey waxa Masar ka dhacayey qaraxyo iyo weerraro lagu eedeeyo kooxda ISIS, kuwaas oo lagu dilay saraakiil uu ka mid yahay dacwad-oogihii guud ee Masar.

Halkan kala soco hadba wixii qaran ka soo kordha.

Bandhige@gmail.com