Raadkii Koowaad ee Diyaaradii Malaysia MH370 oo qarka loo saaran yahay in si rasmi ah loo xaqiijiyo

Mar dhawayd ayaa khubarada dunida ee aqoonta durugsan u leh arrimaha duulimaadyada iyo diyaaradaha ay ku dhawaaqeen in baalkii dhawaan ku soo caariyey jasiiradda Faransiisku ku dhex leeyahay Badweynta Hindiya ee loo yaqaan Reunion uu noqday Boeing 777.

Waxay si dadban ula jeedaan in uu ay aad ugu badan tahay in uu yahay baal ka mid ah diyaaraddii MH370, sababtoo ah diyaaradda kaliya ee nooceedu yahay Boeing 777 ee nuurigeeda la waayey waa tii Malaysiya ee MH370.

Markii la waayey MH370 ee ay raadaarka ka baxday 8dii March 2014 waxa saarnaa 239, ilaa iyo haddana ma jirto cid og meel ay ku dambaysay, taas oo khalkhal iyo cabsi hor leh ku ridday dunida duulimaadyada.

Haddii si rasmi ah loo xaqiijiyo, kani wuxu noqon doonaa qurubkii koowaad ee diyaaraddaas isla markaana wuxu caddayn u noqon doonaa halkii ay ku dhacday diyaaraddaasi, taas oo horseedi doonta baadhitaano hor leh sida ay ku dhawaaqday dawladda Ustareeliya.

Hase ahaatee khuburada ayaa sheegtay in Arbacada iyo wixii ka dambeeya ay baalkan gelinayaan shaybaadh la mid ah kii la geliyey qurubyadii diyaaraddii Faransiisku lahaa ee dhacday 2009-kii iyadoo ka soo kacday Rio de Janeiro.

Lama oga tirada maalmaha shaybaadhku qaadan doono balse khuburadu waxay sheegeen in xaqiijinta rasmiga ah ay samaynayaan oo kaliya marka ay soo baxdo natiijada shaybaadhka ee baalkani.

Haddii warkani rumoobo wuxu qoysaskii dadkii saarnaa diyaaraddii MH370 u horseedi doonaa in ay ku samraan in dadkoodii dhinteen, iyadoo badankoodu ay hadda aaminsan yihiin in laga yaabo in la helo dadkoodii oo nool. Sidoo kale wuxu dunida ka caawin doonaa in laga baxo muhmalkii iyo tuhunnadii dhinaca hawada ee dhashay.

Il-wareed: CNN

Hoos ka akhri war hore oo kan la xidhiidha: 

Hadhaagii burburkii diyaaraddii Maleeshiya oo la sheegay in la helay

Bandhige kala soco hadba wixii ka soo kordha arrinkan.

Bandhige@gmail.com