Suldaanka Guud ee beelaha Somaliland ayaa ka hadlay muranka ka taagan muddo-kordhintii Golaha Guurtida

Suldaanka Guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo saxaafadda la hadlay ayaa ka warbixiyey xaaladda siyaasadeed ee dalka, sidoo kalena ka jawaab celiyey hadallo uu sheegay in ay ka soo yeedheen Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi oo ka tirsan salaadiinta dalka.

Waxaanu Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ku bIlaabay hadalkiisa:e “Siyaasadda maanta dalka lagu hagayo iyo wixii go’aan ah ee ay saddexda xisbi iyo komishanka doorashooyinku ku heshiiyaan ma haboona inay cid kale soo fara-galiso, waxaana wanaagsan in sidiisa loo meel mariyo. Gollahan Guurtida ee aanu Cadaroosh ku soo xulnay saaka waxa ka nooli waxaan 7 qof gaadhin, meeshiina waxay noqotay dhaxaltooyo, oo cid waliba way soo gashay, Golaha Guurtidana horta cod laguma dooran karo sababta oo ah, mid habaar qabe ah oo beelaha isku guba iyo mid dadka isku diraaba way soo hoos galayaan, hadhawna way adkaanaysaa sida lagu kala saaraa.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Horta anigu wali intii Golahaa odayaashu jiray wax cusub oo laba mooshin ka badan kamaan maqal, iyo mushaharkii ayay kordhisteen, waxaan usoo jeedin lahaa oo aan odhan lahaa waar umdada aynu wax la qaybsano innaga oo isku duuban oo Somaliland ah.”

Sidoo kale waxa uu Suldaanku gaashaanka ku dhuftay oo uu yidhi:

“Ninka Xamar doonaya inuu tagoow cid kaa hor joogtaa ma jirto imikaba, sida siyaasiyiinta kale ee Somaliland ee Xamar xilalka u doontay oo kale, haka soo qabsadaan waxay ka helayaaan, dadka deriska ah, wax halala qaybsado, laakiin nabad-gelyada iyo xasiloonida aynu ka wada shaqayno. Haddii aan idhi Puntland aynu ka wada shaqayno nabadda, amniga iyo isku socodka ganacsiga xaq ayaan u leeyahay waayo, annagu dadka shacabka ayaanu nahay, oo xukuumadda lafteeda ayaa u baahan in wax badan lagala hadlo iyadoo hoos loo eegaayo danta shacabka.”

Dhinac kale Suldaanka Guud ee beelaha Somaliland ayaa jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi oo ka tirsan salaadiinta somaliland waxanu yidhi:

“Horta raggii hore ee Suldaan Cabdiqaadir iyo Suldaan Cabdilaahi waxay ahaayeen ragii dhulkan Somaliland calankii SYL ka taagay Ingiriiska oo taagana geela ku qal-qalay, Suldaan Xasana waxaan odhan lahaa innaguna kolay isku reer dahabo ayaynu ahayne yaynaan warmaha isku taagtaagin ee waxa qurux badan in aynu kala xishoono.”

Shir-saxaafadeedkan ayaa imanaya wakhtiga muran siyaasadeed oo ka dhashay muddo-kordhintii Golaha Guurtidu u kordhiyeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Golaha Wakiillada.

bandhige@gmail.com