Robert Mugabe wuxu u digay ragga doonaya in ay hoggaanka kala wareegaan

 

Madaxweynaha Zimbabwe ee muddada dheer dalkaa xukumayey, Robert Mugabe oo da’diisu hadda maray 93 jir, hoggaaminayey waddan muddo ka badan 30 sanno ayaa uga digay xubno sarsare oo xisbigiisa ka tirsan oo damacsan in ay xilka uga dambeeyaan in aanay qabanin shirar qarsoodi ah.

Mugabi oo haatan 93 jir ah ayaa isagoo ka hadlayey goob isku soo bax siyaasadeed ah oo loo soo abaabulay in uu dhalin yarada kula hadlo, ayaa sheegay in xisbiga ay ka dhex dillaaceen kooxo doonaya in ay talada la wareegaan marka uu xilka ka dego.

Madaxweyne Mugabe ayaa ka dalbaday ragaasi in ay qalalaasaha joojiyaan, waxaanu sheegay in uu mar horeba tallaabo ka qaadi lahaa balse waxa uu doonayaa tahay midnimada xisbiga.

Mugabe ayaa sheegay in uu ka war qabo kulamo qarsoodi ah oo xubno sarsare oo xisbiga ka tirsani iskugu yimaadaan si ay u maleegaan in xukunka laga qaado isaga, qaarkoodna uba tageen faaliyeyaal.

Xisbiga talada haya ayaa waxa soo food saaray kala qaybsanaan ay kooxo kala dano ahi ku loolamayaan. Laba sanno ka hor, madaxweyne Mugabe wuxu shaqada ka eryay Madaxweyne-ku-xigeenkii hore Joice Mujuru iyo hoggaamiyeyaal sarsare oo tiradoodu tobaneeye kor u dhaaftay oo lagu eedeeyey in ay damacsanaayeen in ay hoggaanka kala wareegaan Robert Mugabe.

bandhige@gmail.com