Ruushku wuxuu ka biyo diiday go’aanka ay Maxkamadda Caalamiga ahi ku laashay rafcaankii ay ka qaateen xukunkii mamnuucida ciyaaraha dadka lixaadka la’ ee Rio

Ruushka ayaa waxa uu ka biyo ka diiday go’aanka ay maxkamadda Caalamiga kaga laashay rafcaankii ay ka qaateen xukunkii lagaga mamnuucay ciyaaryahanadoodu ka qayb qaataan ciyaaraha dadka laxaadkoodu dhiman yahay ee bisha dambe lagu qabanayo magaalada Rio ee dalka Brazil.

Raysal-wasaaraha Ruushka Dmitry Medvedev, ayaa ku tilmaamay go’aankaasi mid dad gaar ah dani ugu jirto, isla markaana uu dhirbaaxo ku yahay dadka laxaadka la’a oo idil.

Wasiirka ciyaaraha Ruushka ayaa isaguna wuxuu ku sifeeyey go’aankaasi in uu yahay mid aan laga eegin dhankii sharciga uuna yahay mid siysaasadeysan.

Ruushka ayaan soo gudbin wax cadaymo ah oo ay ku burinayaan eedihii loo jeediyey.

Ciyaaryahanada laxaadka la’a ee Ruushka ayaa si cadho leh ugu hadlay go’aanka u diidaya in ay ka baratamaan ciyaaraha Rio, waxaana mid ka mid ah oo hadley uu ku sifeeyey go’aankaasi waji gabax ah oo u dhigma in dhabarka laga toogtay.

Hay’adda WADA ee ka hortaga in ciyaaryahanada adeegsada daawooyinka awooda kordhiya, ayaa heshay cadaymo muujinaya in dawlada Ruushku ka warhaysay in si baahsan loogu isticmaalo daawooyinkaasi qaybaha ciyaaraha oo ay ka mid yihiin ciyaarahanadda laxaadka la’a.

bandhige@gmail.com