Saddex dhallinyaro ah oo walaalo ah oo la kala yidhaa Sakina, Maryam iyo Cali ayaa shalay laga soo dejiyey diyaarada EasyJet ee duulimaad lambarkeedu ahaa EXY3249 wax yar uun ka hor markii ay diyaaraddaasi ka kici lahayd London una duuli lahayd Talyaaniga.
Saraakiil ka socota sirdoonka Ingiriiska ee loo yaqaan MI5 ayaa diyaaraddii kala soo dagay waxayna ku yidhaahdeen “qof rakaabka ka mid ah ayaa idinku eedeeyey in aad ISIS tihiin, sidaas daraadeed waraysi arrinkaa lagu hubinayo ayaa la idinka qaadayaa.
Sakina waxay sheegtay in ay aad u xanaaqday markii ay ogaatay sababta diyaaradda looga soo dejiyey isla markaana aanay iyada iyo walaalaheed wax shaqo ah ku lahayn ururka ISIS.
Qofka rakaabka ah ayaa sheegay in uu milicsaday walaalaha oo isku diraya farriin af-carabi ah “Al-xamdu Lilaah” taasina ay keentay shakiga uu qaaday.
Sakiina waxay saraakiishii u sheegtay in aanay af-Carabiga aqoon, asalย ahaana ay ka soo jeedaan dalka India, isla markaana ay yihiin muwaadiniin Ingiriis ah, moobaylkeedaย af-Carabiga kaliya ee ku jiraana uu yahay Qur’aan, kaas oo aanay furin intii ay maddaarka ku jireen oo dhan.
Intii la waraysanayey walaalahan waxa la weydiiyey in ay sharaxaad ka bixinayaan dhammaanba shaambadihii duulimaadka ee baasaboorradooda ku yaallay. ย Sidoo kale waxa la eegay farriimihii ugu jiray aaladda lagu wada xidhiidho ee loo yaqaan Whatsapp.
Saraakiishii MI5 waxay Sakiira iyo walaalaheed u sheegeen in ay baadhitaankii waxba ku waayeen, ayna u oggolaanayaan in ay diyaaradda raacaan, laakiin inta ay Talyaaniga ku maqan yihiin baadhitaano dheeraad ah lagu samayn doono, haddii wax lagu helana halkan (maddaarka) lagu sii sugi doono.
Sakiira ayaa warbaahinta u sheegay in ay aad uga xumaatay sida loogu bah-dilay dadkii ay diyaaradda wada saarnaayeen hortooda isla markaana looga qaaday waraysi maraanmar ah oo aanay u qalmin maadaama aanay wax dambi ah gaysan.
Muslimiinta adduunka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey hay’adaha amniga duniga kala kulma tacadiyo ay ururrada xuquuqda u doodaa qaarkood u tilmaameen ku-xad-gudub xuquuq aadame.
Il-wareed: Aljazeera
Bandhige@gmail.com