Ruwaanda: Dastuurka oo wax ka isbedel lagu sameeyey

Wax ka badal yareynaya wakhtiga Madaxweynaha, kordhinaya teeramkii uu isasoo sharaxi karo oo lagu sameeyey dastuurka Ruwaanda ayaa waxa meelmeriyey xubnaha Baarlamaanka.

Madaxweyne Pual Kigami ayaa waxa uu talada xukunka dalka hayey muddo laba teeram ah midkiiba 7 sanno tahay, balse imika waxa teeramkiiba laga dhigay 5 sanno.

Sida ay sheegeen baarlamaanka wax-ka-bedelka ayaa waxa uu ka yimid codsi dadweynaha waddanku u soo gudbiyeen golaha baarlamaanka, codsigaas oo ay soo saxeexeen in ka badan 3.7 milyan oo qof.

Wax-ka-bedelka lagu sameeyey dastuurka ayaa waxa uu hirgalayaa wixii ka dambeeya sannadka doorashada 2017-ka oo uu waddanka lagag qabano doorasha, doorashada cidii ku guulaysata waxay waddanka maamulaysaa muddo 7 sanno wixii ka dambeeya waxa uu noqonayaa 5 sanno.

Dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda Ruwaanda ayaa sheegay in hawsha waxa-ka-bedelka dastuurku aanay u dhicin hab furan, xor ah oo hufan.

Madaxweyne Kagame ayaa la filayaa hadduu laba jeer oo dambe isa soo sharaxo oo uu ku guulaysto doorashooyinka soo socda in uu talada ka dego 2034-ka.

bandhige@gmail.com