“Saddexda xisbi Qaran saddex faras bay kala fuushan yihiin, ka badinayaana waa uu idiin muuqdaa ee codkaaga ha ku khasaarin mid aad ogtahay” Cabdicasiis Maxamed Samaale

 

Siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale Oo Ka Mid Ah Weftiga uu hoggaaminayo murashaxa xisbiga KULMIYE ee socdaalka u kuur galka kaadh qaadashadu sida ay uga socoto gobollada bari ku maraya deegaannada Sool iyo Sanaag ayaa khudbad uuka jeediyey degmada Xudun oo kamid ahaydmeelihii uu weftigu maray waxaa uu kaga warramay qaabka ay tahay in dadka deegaankaasi ku qiimeeyaan tartanka doorashada ee ay ku loollamayaan saddexda xisbi qaran.

CAbdicasiis Samaale waxaa uu  bulshada reer Xudun u hoga tusaaleeyay in tartanka doorashadu uu ka dhiganyahay tartanka fardaha oo deegaankaasi caan ku yahay dadkiisuna  ay kala yaqaannaan. Khudbada samaale waxaa kale oo uu kaga hadlay muhiimmada ay leedahay kaadh qaadashadu. waxaanu yidhi isagoo arrintaasi ka hadlay:

“Waxaanu u soconnaa oo aanu idiinku nimi oo  aanu idin xasuusinaynaa in aanu kaadhka qaata idin nidhaahno, markaad kaadhkaas qaataan ee aad gacantiina ku hubsataan, waxaa uu noqon doonaa oo uu yahay hubkaad ku dagaal galaysay ee aad xisbiyada ugu kala hiilinaysay, xisbiga aad adigu doonaysana aad ugu codaynayso”, sidaas ayuu marka hore yidhi siyaasi Samaale, waxaanu intaa ku daray  “Kaambaynkii wuu dembeeyaa oo waxyaabo  kale oo badanna waala is odhandoonaa laakiin waxaan anigu maanta hadalkayga ku soo koobayaa kalsoonida aanu ku qabno gobolkan iyo degaankan reer Xudun oo sidii aad berigii dhawayd ee abaarta aad madaxweynaha u soo dhawayseen waanu la soconnay, sida aad maanta u soo dhawayseen guddoomiyaha ahna murashaxa xisbiga KULMIYE iyo sida ay degmadani maanta ugu heellan tahay inay codkeeda ku ciil baxdo oo ay ku soo saarto cidda ay iyadu doonayso waanu idiinka mahadnaqaynaa”.

waxaanu gebogabadii hadalkiisa yidhi:

Tartan aan ceeb lahayn baalagu jiraa, tartan baa lagu jiraa la kala badaniyo oo loo baratamayo talada dalka, kaasi oo lagu tartamayo waxqabad, akhlaaq iyo asluub. Walaalayaal tartankuna ceeb maaha waxaana aanu ogsoonnahay in gobolkan iyo deegaankani uu caan ku yahay fardaha, markaa tartanka fardaha aad bay u garanayaan faraska badinaya, markaa faraska badinaya [xisbiga] deegaankani wuu garanayaa oo loo sheegi maayo, saddexda xisbi qaran saddex faras bay kala fuushan yihiin, saddexdaas faras ka badinayaa waa uu idiin muuqdaa ee mid aad ogtahay in laga badinayo miyaad codkaaga ku khasaarinaysaa?, markaa ka aad hubto in uu soo baxayo  codka siiya”.

Xigasho: Hubaal Media.

bandhige@gamil.com