Murrashaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi wuxu soo kormeeray goobaha Kkaadh-bixintu ka socoto ee guddaha Magaalada Ceerigaabo 

 

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo kormeeray goobaha ay ka socoto qaadashada kaadhadhka cod-bixinta ee gudaha magaalada Ceerigaabo.

Murrashax Muuse Biixi oo ay wehelinayaan xubno wasiirro ah, siyaasiyiin, salaadiin, madaxda xisbiga ee gobolka Sanaag iyo saraakiil kale oo katirsan weftiga uu hoggaaminayo, ayaa kormeerkooda saaka kusoo maray tiro goobo ah oo ay ka socoto qaadashada kaadhadhku, waxana uu guddoomiyuhu u kuurgalay habsami-u-socodka ay hawshu u socoto iyo sida ay shacabku kaadhadhka u qaadanayaan.

Sidoo kale waxa uu murrashax Muuse Biixi Cabdi warbixin kooban oo ku saabsan sida ay hawsha qaadashada kadhadhka codbixintu u socoto ka dhegaystay xubno kamid ah shaqaalaha goobaha, kuwaas oo sheegay inay hawshu si wanaagsan u socoto, isla markaana ay shacabku qaadanayaan kaadhadhka codbixiyayaasha oo ka socota gobollada Sool iyo Sanaag. 

bandhige@gmail.com