Safiirka Jabuuti oo dalka lagu soo dhaweeyey

Ugu dambayn xukuumadda Jabuuti waxay xafiis diblomaasiyadeed ka furatay Somaliland, kaas oo muddo dheer la naawilayey.

Wakiilka ay dhawaan Dawladda Jabuuti u soo magacawday Somaliland Xuseen Cumar Kawaaleeye, oo uu weheliyo wakiilka Somaliland u fadhiya Jabuuti Maxamed Warsame Cali ayaa lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Hargeysa.

Wakiilka Jabuuti waxa maddaarka Hargeysa ku soo dhaweeyey Wasiir-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo saraakiil kale oo ka tirsan xukuumada.

Ugu horeyn waxa soo dhaweyntan ka hadlay Wakiilka Somaliland u fadhiya Jabuuti Maxamed Warsame Cali ayaa sharaxay ahmiyadda ay wakiilladu u leeyihiin dawladahooda iyo horumarka ay gaadhsiin karaan bulshadooda iyo qaranka loo soo magacaabo waxaanu yidhi:

“Waxa socdaalkan igu wehelinaaya Safiirka cusub ee Dawlada Jabuuti u fadhiisan doona Somaliland oo uu fadhigiisu noqon doono Hargeysa, Xuseen Cumar Kawaaleeye, oo hor u ahaan jiray Guddoomye-xigeenka Baarlamaanka Jabuuti, 20 sanadoodna xildhibaan ahaa, oo runtii aan odhan karo waa nin waayo arag ah, waxaanay ku timid magacaabistani shaqada iyo istiratijiyada siyaasadeed ee dawlada u hoggaaminayo Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.”

Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay Safiirka cusub ee dawladda jabuuti u qaabilsanaan doona Somaliland Xuseen Cumar Kawaaleeye ayaa ka mahadnaqay sida diiran ee loogu soo dhaweeyey, waxaanu ka waramay qiimaha ay leedahay iskaashiga labbada dawladood, iyo waxyaalaha ay iska saacidi doonaan.

Safiirka cusub oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi:

“Runtii aad iyo aad ayaan idiinku mahadcelinayaa sida wanaagsan ee qiimaha iyo sharafta leh ee aad ii soo dhaweyseen, waxaan salaan ka gacayl leh idiinka sidaa Madaxweynaha iyo Dawlada Jabuuti ee iga gudooma marka hore, waxaan leeyahay maanta waxaan joogaa waddankaygii oo waa waddankaygii labbaad oo muhiiimadu waxay tahay in aynu isgaashaan buuraysano, runtii anigu Somaliland waxaan u arkaa inuu yahay waddan hor-u-mar ku taamaya, Ilaanhayna wuu u aqbalay dimuqraadiyada ka jirtaana ha xoogaysato ayaan leeyahay.”

Ugu dambayntii waxaa isaguna hadal kooban ka soo jeediyey wasiir-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Cabdikariin Axmed Mooge ayaa iftiimiyey qiimaha ay leedahay in dawladaha jaarka ahi ay ka wada shaqeeyaan hor-u-marka iyo iskaashiga labada dal, isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Arrintani waxay ka mid tahay dadaalka Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo runtii iyadu safiirna u dirtay Jabuuti sidoo kalena ku soo qancisay in ay safiir iyagu leeyihiin u soo dirsadaan Somaliland, waxaana inoo nasiiba in la inoo soo diray wakiil rug cadaaya oo Somalilandna aqoona u leh, waxaan odhan karaa dawladda Jabuuti cid walba iyada ayaa naga xigta.”

Wakiilka ayaa noqonaya kii koobaad ee dawladda Jabuuti u soo magacawday Somaliland, waxaanu noqonayaa mid wax weyn ka tari doona dhinaca siyaasadda iyo fiisayaasha waddamada.

 

bandhige@gmail.com