Saleebaan Xasan Xaddi ayaa mar kale loo doortay maayarka Boorama

Saleebaan Xasan Xaddii oo sannado ka hor laga qaaday maayarnimada Boorama ayaa maanta mar kale loo doortay maayar kadib markii Golaha Deegaanka ee Boorama ay xilkii ka qaadeen maayarkii hore maxamed Xuseen Maydhane.

Saleebaan Xasan Xaddi oo markii la doortay kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in muddadii sanadaha ahayd ee uu xilka ka maqnaa ay waayo’aragnimo u korodhay, isla markaana uu magaalo-madaxda Awdal ku maamuli doono isagoo kaashanaya waayo’aragnimaadaas.

Hoos ka daawo muuqaalka shir-saxaafadeed maayarku qabtay oo uu baahiyey Nuux Kadiye.