Sepp Blatter oo ka fal-celiyey ganaaxyadii adkaa ee lagu soo rogay

Madaxweynaha talada ka sii degaya ee FIFA Sepp Blater ayaa goor dhawayd shir-jaraa’id ku qabtay Zurich, magaalo-madaxda Iswiserlaand, wuxuna sheegay in aanu u dul qaadan karayn go’aanka xaq-darrada ah ee guddida guud ee FIFA ay isaga ku rideen kagana mabnuuceen xayndaabka FIFA muddo 8 sanno ah.

Blatter wuxu sheegay in uu yahay nin dagaal-yahan ah, sidaas daraadeedna uu ku khasban yahay in uu is difaaco iskana caabiyo go’aanno uu ku tilmaamay in ay xaq-darro yihiin isla markaana lagula dul kufay.

“Anigu waxan ku kalsoonahay Ilaahay. Sidoo kale waxan ku kalsoonahay naftayda. Sidaas daraadeed waan iska difaacayaa go’aan kasta oo xaq-darro ah oo la iga gaadho” ayuu yidhi Blatter.

Blatter wuxu sheegay in ay waxba-kama-jiraan yihiin dhammaan eedaymaha loo jeediyey wuxuna sheegay in ay dabada ka riixayaan dawlado raali ka noqon waayey sidii isaga iyo maamulkiisu ay wax u wadeen.

Sepp Blatter oo da’diisu 80 kor u dhaaftay, waxa maanta guudkiisa ka muuqday duruufihii sannadkii u dambeeyey soo maray isaga oo isha hoosteeda uu balastar kaga dhejistaa kaas oo sida muuqata ah nabur oo bogsiimihiisa la sugi kari waayey shirkan jaraa’id.

Bandhige@gmail.com