Ciyaaryahanka lafdhabarta u ah kooxda reer katalan ee Barcelona iyo xulka qaranka dalka Isbayn Sergio Busquet, ayaa aad uga gaabsadey dalabaad uga yimid labada kooxood ee Paris Saint-Germain (PSG) iyo kooxda reer ingiriis ee Manchester City, hirdanka labadaas kooxood ay ku doonayaan oil engine ka reer catalan waxaa uu kor u kacay waqtiyadan dambe iyadoo uu aad ugu gacan haadinaayo macallinkiisii hore kubbada barey Pep Guardiola oo dhawaan heshiis 3sanno ah ay lagashay kooxda reer ingiriis ee Manchester city.
Mar la weydiiyay ciyaaryahankani in ay wada hadal la yeesheen labadan kooxood waxa uu yidhi:
“Way jirtaa in uu dalab iiga yimid macallinkeygii Pep Guardiola oo ah runtii macallin aan si weyn u ixtiraamo runtiina sabab u ahaa in aan heerkan soo gaadho ama aan noqdo ciyaaryahan caan ah waxaan u sheegay in aanan marnaba suurto gal ahayn in aan Barcelona koox kale ku doorsado.”
Waxa kale oo uu intaa ku darey:
“Waxa jira laba qof oo aad iigula taliyay in aan joogo kooxdeyda aan aadka u jecel ahay, mid waa xaaskeyga iyo macallinkeygii hore ee Pep Guardiola, sidaa awgeed kuma biiraayo labadan kooxood midkoodna ee waxaan joogi doonaa Barcelona.”
Macallinka reer catalan ee Luis Enrique mar su’aal laga weydiiyey dalabaadkan labada kooxood ee PSG iyo Manchester City waxa uu ka leeyahay, ayaa yidhi:
“Ma jirto meel uu tagaayo Sergio Busquet waayo waxa uu laf dhabarweyn u yahay kooxdeyda runtiina waa ciyaartoyga aan aadka u jecelahay qaab ciyaareedkiisa iyo akhlaaqdiisaba.”
Isagoo hadalka sii watana waxa uu yidhi:
“Waxa farxad ugu filan musikada iyo jalasyda noocooda macaan ee looga tumo garoonka waqtiyada ciyaaraha, waana mid kamid ah ciyaaryahannad ugu kubad dhiibis wanaagsan dunida, waan amaana waanan jecelahay.”
Ciyaaryahanka waxay Man city dalabkeeda ku rabtaa sidii ay ugu bedeli lahayd Yaya Toure oo la filaayo in uu xagaagan ka boqoolo, halka ay PSGna ku bedli doonto ciyaaryahan Thiago Motta oo da’diisu ay tahay 34 jir runtiina ay aad u daneyneyso bedelkiisa oo ah Sergio Busquet.