Shaqaalaha dekedda Berberi waxay dhigeen iyo shaqo joojin

 

Mudaharaadkan iyo shaqo joojintan oo ay sameeyeen shaqaale weynihii Dekeda Berbera ayaa ka bilaamay kadib markii Maareyaha shirkada DP World Dekeda Berbera keensatay oo lagu magacaabo Ibraahiim Hammada oo u dhashay dalka Masar uu shaqaalaha Dekeda ugu hanjabay inuu shaqaale ajinabiya keeni doono Dekeda Berbera haddii aanay u hogaansami awaamiirta shaqada ee ay soo dhajiyeen oo ah 24ka saacadood oo xidhiidha iyo sidoo kale in aanu bixin doonin wax lacaga oo shaqada dheeriga waxa kale oo uu Maareeyaha shirkada DP World dekedda keensatay uu jaray gabi ahaanba lacagihii gunnooyinka ahaa ee shaqaalaha Dekeddu qaadan jireen.

Dhammaanba shaqaalaha dekada ayaa hadalkaasi ganafka ku dhuftey isla markaana waxa goobta ka istaadhmey mudaharaadii ugu weynaa waxaa gabi ahaanba istaagtay shaqadii dekedda iyada oo la bakhtiyey Korontadii dekeddu ku shaqeynaysa

Sidoo kale waxaa goobta lagu gubey astaanta ay leedahay shirkada dhawaan lagu wareejiyey maamulka dekeddaasi ee DP World iyo dharkii ay kaga shaqeynaayeen dekedda, waxana ay hada shaqaaliii gabi ahaantoodba ku sugan yahiin suuqa iyaga oo dekedda ka dareeray

Dhinca kale waxa goor dhaweyd goobta soo gaadhey ciidamo Boolis ah oo isku deyay in ay shaqaalaha ka hor istagaan in ay dibedda uga soo baxaan dekedda Balse u suurto gali weyday waxase ay goobta Mudaharaadku ka socday ka xidheen Wariye Khadar Cabdirisaaq Saleebaan(Khadar Hanad) oo katirsan wariyayaasha shabakada wararka Hadhwanaagnews.com oo hawlo shaqo Berbera u tagay oo mudaharaadka la kulay sawiro iyo muuqaalana ka qaatay dhacdadaas waxaana wariyahaas xabsiga u taxaabay Ciidamada Booliska Berbera.

Xigasho: Hubaal Media

bandhige@gmail.com