Shiinaha oo ka qayb qaadanaya dib u dhiska dalka Suuriya

Shiinaha ayaa balanqaaday in uu gacan ka geysanayo dib u dhiska dalka Suuriya ee ay dagaalladu ragaadiyeen iyadoo hogaamiyaha Shiinaha Xi Jinping iyo madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad ay ku dhawaaqeen โ€œiskaashi istiraatiiji ahโ€.

Jimcihii shalay ayey labada hogaamiye shir ku yeesheen magaalada Hangzhou ee koonfurta Shiinaha.

โ€œMarka la eego jawiga caalamka oo aan xasilloonayn, Shiinaha wuxuu diyaar u yahay inuu sii wado la shaqeynta Suuriya ee danaha iskaashiga saaxiibtinimo iyo ilaalinta cadaalada caalamiga ah,โ€Ayuu yidhi hogaamiyaha China, Xi.

Shiinaha ayaa sare u qaaday xidhiidhkiisa diblomaasiyadeed ee Bariga Dhexe isagoo isku dayaya inuu ballaadhiyo saameyntiisa caalamka isagoo loolan kula jira nidaamka caalamiga ah ee uu hoggaamiyo Mareykanka oo horey cunaqabateyn usaaray Siiriya.