Shir-saxaafadeed ay wada jir u qabteen Xukuumadda iyo kulmiye ayey ku sheegeen in Shir Qaran uu ku baaqi karo Madaxweynuhu

Shir-saxafadeed ay si wada-jir ah u isku u qabteen hogaaanka sare ee xisbiga Kulmiye iyo xukuumadda ayaa waxa ay ka jawaab celinayeen shir ay ku dhawaaqeen xisbiyada mucaaridka iyo Madasha Wada-tashigu.

Shir-saxaafadeedkan waxa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu yidhi:

“Waxaanu idiinku yeedhnay war dhiilo culus sida oo kasoo baxay rag labadda xisbi mucaaridka afkood ku hadlaya kasoo yeedhay oo odhanaaya: dalka waxa laga qabanayaa shir qaran oo aayo ka tashi ah. Halkan waxaanu ku fadhinaa xisbigii Kulmiya xukuumad iyo Baarlamaankiisii, waxaanu doonaynaa ummadda inaanu u sheegno in kooban oo qoladaa kasoo yeedhay. Ta koowaad, erayga shir qaran oo aayo ka tashi ah, waxa Somaliland ka dhacay sannadkii 1993 waana kii Borama xiligii Somaliland la dhisaayey. maanta Somaliland jirtay 24 sanno uma baahna wax shir aayo ka tashiya.”

Waxa intaas ku daray:

“Maanta iyadoo Somaliland jirtay muddo 24 sanno ah, oo la isku haysto muddo kordhintinta 3 bilood oo ka mid ah, waxa la yaab in aan dib ugu noqono wakhtigaas.”

Sidoo kale Guddoomiyuhu sheegay in sababta keentay shirkaa Boorama ay ahayd in Somaliland lagu dhiso iyadoo ayna jirin Gole sharci-dajineed iyo madaxkamadba, laakin iyadoo maanta waxaas oo dhami jiraan waxa keenay in la qabto shir aayo ka tashiah ayuu sheegay in uu yahay mid khalada.

Waxa kale oo sheegay in madaxweynuhu leeyahay awooda uu shir qaran ku baaqi karo, waxaanu tibaaxay in aanu Guddoomiyaha Gollaha Wakiiladdu aan shir qaran ku baaqi karin.

Sidoo kale waxa isaguna ka hadlay shir-saxaafadeedkan Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, wuxuu sheegay in xisbiyada qaranku xaq u lahayn in ay shir qabtaan oo ay ka maqan tahay xukumaddu, suurta galna ahayn in shir madaxweynuhu aanu ku dhawaaqin oo shirweyne qaran ahi in waddanka ka dhaco. Sidoo kale waxa uu sheegay in mucaaradku sugi kari wayeen inta geelu biyaha ka qado oo ah mudo 90 cisho ah, isagoo sheegay in ay saxeexeen qodob odhanaya waanu ixtiraamaynaa go’aanka guurtida, maanta waxa looga baahan yahay in ay ixtiraamaan go’aankaas.

Sidoo kale waxa shir-saxaafadeedkan ka hadlay Guddoomiye-xigeenka Gollaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in muddo-kordhintii loo sameeyay Golaha Wakiilada iyo Madaxweynuhu ee ay sameyeen Golaha Guurtidu ay sharci tahay, wuxuun sheegay ka Gole ahaan in ay iyagu doorashadooda qabsanayaan 27 march 2017. Sidoo kale waxa uu sheegay in go’aankii Guurtidu yahay mid sharciya.

bandhige@gmail.com