Xisbiyada mucaaradka iyo Madasha Wada-tashiga ayaa socdaal lug ah ku tegay Maxkamadda Sare

Hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ee Waddani iyo Ucid oo ay wahelinayaan mas’uuliyiin ka Madasha Wada-tashiga, ayaa socdaal lug ah oo ay ka soo qaadeen Hudheelka Hadhwanaag ku tegay Maxkmadda sare ka dib markii laga horjoogsaday shiri talo-qaran oo ay ku qabanayeen Hudheelka Dalxiis ee Hargeysa.

Waxaana wararku hada nagu soo gaadhayaa in mas’uuliyiintani ay kulan gooni ay gudaha Maxkamada sare kula jiraan Guddoomiyaha Maxkmadaas Pro.Aadan X.Cali oo ay shalay u gudbiyeen dacwadda ay kaga cabanayaan in xukuumaddu u diiday in aanay wax shirar ah ku qabsan karin hudheeladda.

Illaa hada lama oga waxa ay ku wada haldeen balse, wararka hor dhaca ahi waxay ay tibaaxayaan in ay mar labaad u gudbiyeen xoojinta dacwadoodda shirka qaran ee xukummadu ka hor istaagtay iyo sidii go’aan Maxkamadda Sare uga gaadhi lahayd arrintan..

Ilaa hadda wax go’aan ah kama ay gaadhin Maxkamaddu dacwadda xisbiyada mucaaridka, balse waxa la filayaa saacadaha soo socda inay go’aan ka soo baxo Maxkamaddaha.

Dhinaca kale waxay wararku tibaaxayaan in la xidhay wariyayaal iyo masuuliyiin ka tirsan xisbiyadda mucaaridka.

Kale soco Bandhige waxii warar dheeraad ee ka soo arrimahan.

 

bandhige@gmail.com