Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye oo la gunaanaday, Madaxweyne Siilaanyo oo hadal ka jeediyey

????????????????????????????????????

Goor dhawayd waxa la soo gabogabeeyey Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye oo shalay lagu doortay Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdillaahi “Saylici” in ay noqdaan murashaxiinta Kulmiye ee doorashada la muddeeyey in ay qabsoonto 28-ka March 2017.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo xayn Golaha Wasiirrada ah ayaa ka qayb-galay si rasmi ahna u soo xidhay.

Xidhitaanka ka hor ayuu guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu madaxweynaha guddoonsiiyey shahaado-sharaf ka turjumaysay hannaankii dimuquraadiyada ahaa ee madaxweynuhu uga tanaasulay sharashaxnimada Xisbiga Kulmiye dhexdiisa, isaga oo madaxweynuhu noqday, sida ku dhigan war-saxaafadeedka madaxtooyada, madaxweynihii labaad ee Afrikaan ah ee isaga oo xil haya shaaciya in aanu mar danbe u tartamayn hoggaanka dalkiisa.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Khudbadda madaxweynaha oo dhammaystirani waxay u dhigan tahay sidan:

Bismilaahi Raxmaani Raxiim.

 Hoggaanka, Guddiga Fulinta iyo Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, dhammaan waxaan ku hambalyeynayaa guusha uu ku dhammaaday shirkii Shanaad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga ee labada maalmood socday.

 Waxaan Hambalyeynayaa labada Musharax ee Xisbigu u doortay tartanka doorashada soo socta, waxaan u rajaynayaa guul.
 Waxaan u hambalyeynayaa Wasiirka Caafimaadka, Mudane Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), oo si fiican u tartamay, inkasta oo aanu ku guulaysan damaciisii, hasa-yeeshee, wuxuu muujiyey dadaal iyo bisayl siyaasadeed oo badan.

 Waxaan u mahadnaqayaa marti sharafta ka soo qayb gashay madashan.

 Waxaan idinka mahad-celinayaa shahaado sharafta aad igu maamuusteen.

 Waxaan ugu baaqayaa haldoorka Xisbiga Kulmiye in ay midooban, wixii turxaan iyo tabasho ah ee dhex timina ay wada hadal ku dhamaystiraan.

 Ugu dambayn, waxaan u dardaaraya, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ee ah murashaxa Madaxweynaha mustaqbalka, in uu dadaal dheer u galo midnimada iyo isku haynta Xisbiga.