SOLJA oo dhammaystiraysa istiraatijiyad saddex sanno ah

Ururka Suxufiyiinta Somaliland “SOLJA, waxa ay Salaasadii Guuleed Huteel Hargeysa ku qabteen  aqoon-is-weydaarsi soconaya saddex maalmood oo lagu lafo-gurayo laguna dhammaystirayo istiraatijiyadda saddexda sanno ee soo socda uu ku shaqaynayo ururku.

Kulankan aqoon-is-weydaarsiga ah waxa ka soo qayb galay xubno ka metelayey saxaafadda Somaliland iyo marti-haraf ka socotay ururrada bulshada rayidka ah, hay’adaha caalamiga ah iyo xisbiyada qaranka.

Nuqul qabyo ah oo istiraatijiyaddan ah ayaa  SOLJA shaaciyeen bishii February, kulankanina waa mid talo-badsi ah oo lagu eegayo galdaloolooyinka istiraatijiyaddii hore loo sameeyey, waxa laga sixi karo iyo waxa lagu kordhin karo si ay u noqoto istiraatijiyad dhammaystiran oo ansax noqota kadibna lagu dhaqmo.

Guddoomiyaha Ururka Saxaafadda Somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac “Xuuto” oo munaasibaddii furitaanka kulanka hadalk ka jeediyey ayaa xusay in ay tahay markii koowaad ee ay SOLJA yeelanayso istiraatijiyad gaadhsiisan saddex sanno taas oo uu ku tilmaamay in ay guul u tahay guud ahaan saxaafadda. Guddoomiye Xuuto wuxu u mahadceliyey Akaademiga Nabadda Iyo Horumarinta oo maalgelisay kulankan.

Waxa iyaguna madasha ka hadlay Wasiir-Xigeenka Warfaafinta Shukri Xaaji Ismaaciil Xariir, Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan iyo qoraa Boobe Yuusuf Ducaale ahna Xogyaha Warfaafinta ee xisbiga Waddani, iyo ruugcaddaa ka tirsan saxaafadda Somaliland oo ay ka mid yihiin Yoonis Cali Nuur iyo Cabdillaahi Aadan Cumar “Wayab”, kuwaas oo dhammaantood muujiyey muhiimadda ay istiraatijiyaddu u leedahay horumarka ururka una rajeeyey SOLJA in ay kaga dhammayso fulinta istiraatijiyaddan.

Sidoo kale, marti-sharaftii madasha ka hadashay waxay SOLJA ku ammaaneen firficoonida iyo dardargelinta hawlaha saxaafadda Somaliland.

Bandhige@gmail.com