SOLJA oo maanta furtay shir ku saabsan horumarinta saxaafadda

Saaka subuxii hore ururka SOLJA wuxu furay shir lagaga wada hadlayo wixii ururkan u qabsoomay muddada tobanka sanno iyo dheeraadka ah ee uu jiray.

Sidoo kale waxa lagu lafo-gurayaa tuseyaasha tiirarka horumarinta saxaafadda (Media Development Indicators) sida uu sheegay Guddoomiyaha SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac “Xuuto” oo ka hadlay furitaankii shirka.

Waxa shirkan ka-qayb-galaya 50 xubnood oo ka kala socda hay’adaha warbaahinta maxaliga ah iyo daneeyeyaashooda. Waxana maalgelisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada, sayniska iyo dhaqanka ee magaceeda loo soo gaabiyo UNESCO.

Waxa isaguna madasha hadal ka jeediyey Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir “Cukuse” oo saxaafadda u soo jeediyey in ay xirfaddooda dhisaan iskana dhaafaan kamaradaha hoose ee ay ka duubayaan masuuliyiintu iyaga oo aan diyaar u ahayn.

SOLJA3

Wasiir Cukuse wuxu sheegay in xukuumaddu ay danaynayso fulinta Xeerkii Saxaafadda ee 2004kii, laakiin maxkamadaha iyo xeer-ilaalintu ay ka cawdeen isla markaana ay sheegeen in aanay ku shaqayn karayn maadaama ay isbeddeleen duruufihii lagu jiray wakhtigaas.

Wasiirku wuxu sheegay in loo baahan yahay in saxaafadda, ururrada bulshada iyo sharci-yaqaannadu iska kaashadaan sidii loo heli lahaa sharci lagu wada qanacsan yahay oo ay xukuumaddu dabaqdo.

Shirkan ayaa socon doona 2 maalmood, waxana la filayaa in dhammaadkiisa ay ka soo baxaan qodobo ficil loo beddeli karo oo wax ka tara baahida saxaafadda.

Ururka SOLJA ayaa beryihii ugu dambeeyey dardargelisay hawlaha, waxanay qabanayeen tabobarro, iyo shirar horumarinta saxaafadda la xidhiidha.

Bandhige@gmail.com