“Soomaaliya wax dawlad lagu sheegi karaa kama jirto” Warbixin uu diyaariyey wargeyska The Economist

 

Jariiradda caanka ah ee The Economist ayaa toddobaadkan daabacday warbixin qoto dheer oo bixinaysa sawirka dhabta ah ee ay maanta Soomaaliya ku sugan tahay. Su’aasha muhiimka ahi waxa weeyi 2 saacadood oo la sheegay in madaxweyneyaasha IGAD Salaasada ku shiri doonaan Muqdisho maxay ka beddeli karaan xaaladda Soomaaliya?

Warbixintu waxay tibaaxday in beesha caalamku ay 25-kii sanno ee ugu dambeeyey ku bixisay dhaqaale aad u badan sidii ay Soomaaliya dawlad u noqon lahayd, hase ahaatee ay weli Soomaaliya tahay dawlad fashilantay oo aan jirin, sidoo kalena aanay Soomaaliya muddadaas marnaba ka hir gelin wax dawlad loogu yeedhi karo oo dhaafsiisan magaca dawladnimo.

“Dawladda Soomaaliya madaxdeedu iska daa in ay Soomaaliya maamulaane qaybo Muqdisho ka mid ah ma tegi karaan, Soomaaliyada kale ee ay Somaliland oo ilaa 1991-kii gaar u taagnayd ka baxsan tahayna hadalkeedaba daa. Meel Muqdisho ka baxsan oo ay maamulaan ma jirto”

Wargeyska Economist wuxu sheegay in hudheellada Muqdisho ay suuq fiican heleen maalmahan dambe laakiin aan loo nisbayn karin dalxiiseyaal. Waxa buuxiyey dillaaliinta siyaasadda ee ku mashquulsan ciddii ku guulaysan lahayd  doorashada sannadkan muddaysan.

Caasha Cabdulle Xasan ayaa ka mid ah dadka hudheelladaas maal-gashaday. Waxay leedahay hudheel ku yaalla xeeliga badda oo ay ku bixisay 2 milyan oo Doollar.  Ayaan-darro, huteelladaasi waxay faa’iidi laayeenba waxa caqabad ku ah amni-darrada iyada oo Al-shabaab bar-tilmaameed ka dhigatay hudheellada noocan ah, weeraro joogto ahna ku ekayso.Weerarkii ugu dambaysay ee ay Al-Sbabaab hudheel ku qaado wuxu ahaa 30-kii August 2016, waxa ku qudh-baxay 15 qof.  

Caasha waxa hudheelka u waardiyeeya tobannaan askari, waxana dusha sare fadhiista oo eegaya dhinaca badda nin haysta qori daran-doori u dhaca. Waxay tidhi “Ilaahay uun baa og in ay askartani ku filan tahay in ay na badbaadiyaan iyo in kale.”

Waxa iyaduna wax lala yaabo ah wax-qabadka uu sheegay madaxa booliiska Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud. Wuxu yidhi:

“Arrimuhu sidii hore way soo dhaamayaan. Dhawr sanno ka hor maalin kasta ugu yaraan hal askari oo booliis ah ayaa la dili jiray. Imikase bishiiba shan ilaa toban askari oo boolis ah oo kali ah ayaa la dilaa.”

Dakhliga dhan ee dawladda Soomaaliya waa 200 oo milyan oo Doollar oo badankeedu ka soo xeroota dekedda Muqdsho. Lacaagtaasina wax yar mooyaane sida ay u dhan tahay waxay ku baxdaa xildhibaannada baarlamaanka iyo qasriga madaxtooyada.

“Nin u shaqeeya Qaramada Midoobay ayaa yidhi wax ciidan Soomaaliyeed la yidhaa ma jiro. Dad khubaro ah oo halkaa jooga oo aanu waydiinayna way ku raaceen. Waxay yidhaahdeen saraakiishii Ingiriiska ee loo keenay in ay tabobaraan ciidamada Soomaaliya arrinkoodii wuxu ku dambeeyey in ay tabobaraan ciidamada shisheeye ee AMISOM. Saraakiisha Ciidamada Soomaaliya haddii aad weydiiso ciidankooda, iska daa in ay kuu sheegaan waxa ay qabanayaane, kuu sheegi kari mayaan xataa halka ay joogaan” ayay tidhi warbixintu.

Sida wargeysku tibaaxay, Soomaaliya waxa jooga 22,000 oo askari oo ka yimid waddamada Afrika ee jaarka la ah, kuwaas oo Midowga Yurub uu masruufo. Ciidamadaasi inta badan waxay ku oodan yihiin xerooyin halka ay Al-Shabaabna tuulooyinka iyo magaalooyinka yaryar sida ay doonto isaga taxaashto. Ciidamadaas waxa xeryahooga ku soo weerara Al-Shabaab, taasina waxay keentay in dul-qaadkii ka yaraado qaadhaan-bixiyeyaashii. Midowga Yurub wuxu hadda hoos u dhigay 20% lacagihii uu ciidankaas siin jiray.

Shaqaalaha ajaanibka ee magaalada joogaa waxay ku kooban yihiin oo ciidamada Yugaandha ay ku waardiyeeyaan maddaarka Muqdisho halkaas oo aanay dhinacna u dhaafin.

Mar la weydiiyey Taliyaha Booliska in uu sugi karo amniga ganacsatada wuxu yidhi “Ma sugi karno amniga ganacsatada. Waa in ay iyagu sugaan amnigooda” taas oo keentay in ay ganacsatadu lacag baad ah siiyaan Al-Shabaab si ay uga nabad galaan, waana arrin sii xoojinaysa quwadda Al-Shabaab sida wargeysku qabo.

Dhanka kale wargeysku wuxu tibaaxay in budhcad-badeedii meesha ka baxday, Al-Shabaabna dagaalkeedii lagu soo koobay  ku-dhufoo-ka-dhaqaaq. Laakiin haddii ciidamada shisheeye dalka Soomaaliya ka baxaan arrimahaas oo dhami sidoodii hore ayay dhakhso ugu soo noqonayaan. Madaxweynaha Yugaandhana waabu soo hadal qaaday in uu ciidankiisa la soo baxayo.

Wargeysku wuxu warbixintiisa ku soo gabobeeyey quus uu ka muujiyey dawladnimo Soomaaliya oo dhawaanahan la filan karo. Wuxuna yidhi:

“Si kastoo ay tahayba, Soomaaliya oo yeelata dawlad shaqaynaysa iyo dariiqyo lagu nabad-galo, waa rajo aad u durugsan sidii ay weligeedba ahaan jirtay.”

Il-wareed: Economist

Soo-koobiddii BANDHIGE NEWS