Sucuudiga oo ka hor tagay gantaal labaad oo ay soo ganeen Xuutiyiintu

Markii labaad ayaa Sucuudigu qabtay gantaal ay soo ganeen Xuutiyiinta awoodda ku leh Yemen.

Sida uu warbaahinta Sucuudiga u xaqiijiyey  afhayeen u hadlay ciidamada cirka ee Sucuudiga Turki al-Maliki, gantaalka ayaa ay u badan tahay in uu ku jihaysnaa magaalada Khamis Mushai, laakiin waxa la qabtay lana burburiyey ka hor intii aanu gaadhin bar-tilmaameedkiisii.

Waa markii labaad ee Xuutiyiintu dhulweynaha Sucuudiga gantaal ku ganaan. Waxay ku hanjabeen in gantaallo kale ay soo ridayaan iyagoo sida ay sheegan bar-tilmaameedsan doona caasimadaha iyo magaalooyinka laga soo abaabulo dagaallada lagu gummaado maatida Yemen, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Gantaalkan ayaa la sheegay in aanay wax khasaare ahi ka dhalan.

 

Bandhige@gmail.com