Suldaanka Subeer Awal wuxu ku taliyey in aan xukuumadda hadda wax loo dhiiban

Qaar ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland oo uu hor kacaayo Suldaanka Guud ee beelaha Subeer Awal, Suldaan Xasan suldaan cabdiraxmaan ayaa maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Hargeisa.

Shirkaasi oo ay kaga hadleen xaalada uu haatan dalku marayo, iyaga oo ugu horeyn soo dhaweeyey go,aankii uu Gollaha Wakiiladu ku laaleen wareejintii haamaha shidaalka Berbera, sheegayna in ay Gollaha Wakiiladu geesinimo adag muujiyeen,

Suldaanka Guud ee beelaha Subeer Awal oo ugu horeyn goobtaasi ka hadlay waxaa uu hadalkiisa ku bilaabay sidani’’ Waxan u dirayaa hambalyo Gollaha Wakiilada go,aankii geesinimada lahaa ee ay ka gaateen arintii haamaha shidaalka taasi oo ay laaleen, shalay ayaanu damacsanayn inaan kulan kaga hadalno arintani laakiin waxaanu ka warsugaynay Gollaha Wakiiladu talaabada ay ka qaadaan arintaasi, sababta oo ah kol hadii aanu nahay salaadiintii dalka waxaanu leenahay mar walba kalmada u dambaysa.

Sidoo kale Suldaanka Guud ee beelaha subeer awal ayaa xukuumada usoo jeediyey dhaliilo is huwan waxaanu yidhi sidan’’ Dawladii Somalia waxaynu ku haysanay dil, laakiin se maanta dilkiina Xukuumadani way xalaashatay, mid Saldhig lagu dhex toogto, iyo mid kaleba waana ardaydii, ubixii maanta dalkan usoo kacaayay, waa xoogii bulshada waana cutubkii ugu adkaa.

Ilaa wakhti xaadirkana ma hayno Madaxweynaha oo ka hadlay arintaasi, talaabo uu ka qaadayna ma hayno, kuwii maanta qodobadani iyo arimahani ay khuseeyeen, hadii ay tahay Wasiirka daakhiliga iyo hadii ay tahay Taliyaha Ciidanka Booliska, waxaad arkaysaa dhibta faraha badan ee dalkan ka dhacay ee ay dilalku ku jiraan, waxaanu faraynaa ma aqbalayno, mana yeelayno ee waa in sharciga la horkeenaa cidii amarkaasi bixisay, haday tahay Wasiir iyo haday tahay Taliyaba waxaanu uga fadhinaa maanta inuu talaabada ugu haboon ka qaado.

Adeerow gacaliye hadiiba ay xoolihiinu xalaal ahaayeen, hal xaaraan ahi nirig xalaala ma dhasho, ha iskaga darina oo waxaa Somaliland oo dhan dhaxalkoodii ah, shilimaadkaagii ku qaado marnaba yaanay caqliga galin, Xukuumadan maanta joogtaana waa Cadceed casar joogta ee waxba ha iskaga dhiibina, sharcigana ma waafaqsana, waxa muddada loogu kordhiyeyna waa inay doorasho qabato, wax heshiis ah oo ay gali kartaana ma jirto, yacnihii xoolihiina ilaashada hadiiba ay xalaal yihiin, de ninkii ilaahay ka saarayana waa la arki doonaa.

Ugu dambeyntii Suldaanka Guud ee beelaha Subeer Awal, Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan oo wax laga waydiiyey hadalo ka soo yeedhayay Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow) maalimihii ugu dambeyey ayaa ku jawaabay’’ Su’aashaasi waa su’aal fiican marar badan ayaa la I waydiiyaa oo la igu yidhaa boqor Buur-Madow ayaa hadalo kugu soo tuurtuuray, laakiin waxaan kaga gaabsanayaa isku leefal ma nihim, isku kalaas ma nihim, isku darajo ma nihin, Suldaanka Guud ee suldaan cabdilaahi Suldaan Cali ayaan u jawaabi lahaa, waxaa uu ka hadlayna de nin shaqsiya oo meelahaa ka hadlay oo aan dhigayga ahayn ayan u arkaa, markaa waan ka gaabsanayaa inaan u jawaabo. Ayuu yidhi Suldaanka Guud ee beelaha Subeer Awal.

Hoos ka daawo muuqaalka shirka jaraa’id ee ay qabteen oo Star TV laga sii daayey.