Tahriibayaal ka badan kun qof oo la soo bad-baadiyey

Doon siday tahriibayaala gaadhay 1,151 qof ayey soo bab-baadiyeen ciidamada Talyaanigu.

Tabriibayaashan ayaa waxa u badan haween iyo carruur, waxaan markii dambe laga soo daad gureeyey jasiiradaha Lambaduzza iyo Pazalo ee Talyaaniga.

Midowga ayaa waxa uu sheegay in ay dhowaaan wajiga labaad ee hawlgalka ciidanaka Midowga Yurub ee badda Medhitareeniyanka kaas oo lagu magaca daray “Safiya”, oo ahayd gabadh yar oo Soomaali ah oo ku dhex dhalatay markab Jarmal ah oo ka qayb qaata bad-baadinta tahriibayaasha, kaas oo iyadana bad-baadiyey.

Qulqulka tahriibayaasha ayaa buux dhaafiyey Yurub iyadoo wali aad looga dareemo qulqulka qaxoontiga ka soo cararaya Suuriya.

bandhige@gmail.com