Taliyaha Booliska oo soo rogay amarro xaddidaya xawaaraha gaadiidka kadib markii bil gudaheed 257 shil dhaceen

Hadda wixii ka dambeeyaa gaadhigaaga waxad ku wadi kartaa ugu badnaan 30KM saacaddiiba marka aad magaalada dhex socoto, marka aad isaga gooshayso laba magaalana waxad ku kaxayn kartaa ugu badnaan 80KM saacaddiiba.

Sidaas waxa soo rogay Sarreeye Guuto Cabdillaahi Iimaan Fadal oo ah taliyaha booliska Somaliland kadib markii 257 shil ay Somaliland ka dhaceen bil gudaheed kuwaas oo ay ku naf waayeen 19 qof.

Sarreeye Guuto Fadal wuxuu sheegay in loo bahan yahay in dirawaliintu ay laaliyaan sharciga dalka ciddii u hoggaansami wayda ammaraddana wuxu sheegay in sharciga lala tiigrsan doono.

Taliye fadal wuxu ku hanjabay in lala xisaabtami doono dhammaan gaadiidlayda isagoo sheegay in wada-xisaabtankaas aanay ka reebanayn baabuurta qaadka daabusha kuwaas oo iyagana looga baayahan yahay in ay sharciga qaddariyaan.

Taliyuhu wuxu sheegay in sida uu dhigayo Xeerka Nabadgelyada Waddooyinku aanay darawaliinta haysata liisamada gaadiidka yaryar kaxayn karin gaadiidka waaweyn, ciddii lagu helana wixii sharcigu dhigayo la marin doono.

Taliye fadal wuxu soo jeediyey in gaadiidka loo daayo abuurkoodii rasmiga ahaa balse aan lagu xidhin turusyo iyo waxyaabo kale oo sababi kara shilal.

“Gaadhi kasta oo turus leh waanu ka goynaynaa, maaha booyadaha iyo gaadiidka yaryar oo kaliya.” ayuu yidhi taliyuhu.

In kastoo uu taliyuhu u muuqdo nin ay ka go’an tahay fulinta awaamiirtani, haddana lama oga in go’aankani sidiisa u fili doono iyo in kale. Marar badan ayaa booliksu hore u soo rogeen in muraayadaha gaadiidka laga jaro bacaha madow ee loo yaqaan beersool-ta. Hase ahaatee go’aankaasi weligii si rasmi ah uma uu hir gelin.

Bandhige@gmail.com