Tartanka ciyaarraha Gobollada oo maanta barbaro la isla dhaafi waayey iyo hal qof oo ku dhintay rabshado ka dhacay Boorama

Tartanka ciyaarraha Gobollada oo ka kala socda Burco iyo Boorama ayaa maanta waxay ciyaarihii la ciyaaray ku soo dhammaadeen barbaro.

Sidoo kalena waxa ku dhintey hal rabshado ka dhacay garoonka Boorama oo iskaga horyimaadeen Gobollada Gabiley iyo Salel markii ay ciyaartu dhammaatay.

Ciidanka oo isku dayaya in kala dareeriyaan dadka rabshadaha waday ayaa waxay rasaastii ciidanku ridayeen haleeshay qofkan dhintay.

Xaaladda guud ee Boorama ayaa ah mid haatan degan rabshadaha ka dib,

Dhinaca waxa iyagana ciyaari ku dhexmartay xulalka Gobollada Saraar iyo Sanaag oo iyaguna barbaro isla dhaafi waayey.

 

bandhige@gmail.com