Turkiga: 36 qof oo ku dhintay Qarax ka

Ugu yaraan 36 ayaa ku dhintay weerar loo adeegsaday bambooyin iyo qoryo, kaasoo lagu qaaday garoonka dayaaradaha ee magaalada Istanbul.

Sidoo kale tiro gaadhaysa 100 qof ayaa ku dhaawacmay.

Weerarada ayaa waxa fuliyey saddex 3 qof oo is miidaamiyey.

Sawirrada lagu baahiyey baraha bulshada ayaa waxa laga arkayey booliska oo tooganaya mid ka mid ah ragii weerarka fuliyey, kaasi oo ay dhaawaceen kadib waxa uu qarxiyey jaakada isqarxinta oo uu xidhnaa.

Duullimaadyadii ayaa la joojiyey saacado, dadkana waxaa laga codsaday in ay ka fogaadaan garoonka, kadibna waxa uu haatan loo dib loo furay garoonka oo ammaankiisa aad loo adkeeyey.

Madaxweynaha Turkiga Raccep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday garoonka dayaaradaha ee istanbul looga gol lahaa in lagu abuuro borobagaando ka dhan ah dalkiisa iyadoo la isticmaalayo dhiiga iyo xanuunka dadka aan waxba galabsan.

Weerarada argagaxisada Turkiga laga fuliyo ayaa waxa soo badanayeen kadib tan iyo intii ka baxay Erdogan heshiishkii Kurdiyiinta iyo weeraradii ku qaaday kooxda dawladda islaamiga.

bandhige@gmail.com