Twitter-ka oo ku dhowaaqay in wax-ka-bedel ay ku samaynayaa bartooda

Warbixintii ugu dambeysay ee ay soo saarto barta bulshadu kuwada xidhiidho ee Twitter-ka ayaa lagu sheegay in sannadkii tegay aanay samaynin wax koritaan oo ay  lumisay lacag gaadhaysa 90 milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Twitter-ka ayaa intii jiray weligii ma uu sameyn wax faa’iido lacag ah, hase yeeshee khasaaraha sannadkii tagay oo ahaa 90 milyan oo dooolar ayaa waxa uu ka yar khasaarihii 2014 oo ahaa 125 milyan oo doolar.

Inkasta Tiwtter-ku yahay bar caan, haddana waxa uu tartan adag kala kulmaa baraha bulshada kuwada xidhiidho ee ay ka mid yihiin Facebook-ga, Snapchat iyo Instagram oo xawli ku koraya.

Inta badan dadka isticmaala Twitter-ka oo badan dadka siyaasiyiinta ah ayaa waxay kaga ashkatoodaan in isticmaalka Twitter-ku adag yahay iyo in qoraalka lagu qori karo oo aan ka badnayn 140 xaraf.

Twitter-ka ayaa waxay ku dhowaaqeen in ay ka fekarayaan in ay horumarin ku sameeyaan bartood oo ay ka dhigaan mid si dhib-yar loo isticmaali karo.

Waxa laga yaabaa in isbedelkani u horseedo Twitter-ka in ay kordhaan macaamiisha isticmaalaysa iyo dhaqaalaha uu sannadkii helo.

bandhige@gmail.com