Urur-diimeedkii Ictisaamka Punltand iyo Kiiniya way caddaysteen colaadda ay u hayaan Soomaalilaan W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Masaajidada Garoowe, Qardho, Boosaaso iyo Gaalkacayo ee ay gacanta ku hayaan Ictisaam waxa ay sheegeen in Soomaalilaan lala dagaalamo oo Laascaanood laga xorreeyo. Qabyaaladdii ayaa kala xoog badatay diintii ay ummadda u sheegayeen.

= Masaajidada Waqooyiga Kiiniya ee ay Ictisaamku maamulaan iyana sidaasi si la mid ah ayey dagaal ugu caddaysteen in Soomaalilaan lala galo. Waana qabyaalad cad. Kuwii hore u joogay Laascaanood ee Ictisaamka ahaa waxa ay ahaayeen kuwii ugu horreeyey dagaalka hurinaayey, imika qaybo magaalada ka ah mid ah ayey dagaalka kaga jiraan.

= Ictisaamkii Muqdisho, iyagu waxa ay uga hadleen arrinta Laascaanood si dhexdhexaad ah, manay muujin wax colaad ah.

= Su’aashu waxa ay tahay Ictisaamkii Soomaalilaan, halkay ku dambeeyeen? Su’aallo dhawr ah ayaa ka dhalanaya aamuska ay dagaalka Laascaanood uga hadli la’yihiin. maxaa u diiday inay dalkooda raacaan? Maxaa keenay inay badheedhi waayeen, siday u badheedheen saaxiibadoodii la saftay reerahooda? Ma iyaga ayaa laga sarreeyaa oo waa shaqaale aan hadli karin? Maxaa keenay habrashada intaasi leeg?

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com