Ururka waddaniga ah ee HYDA iyo Wasaaradda Waxbarashadu waxay wada-jir u daahfureen mashruuca barbaarinta carruurta

Ururka Waddaniga ah ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano HYDA iyo wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare waxay si wada-jir ah u daah fureen mashruuca barbaarinta carruurta yar yar, munaasibadan oo aad loo agaasimay waxa ka soo qayb galay madaxda urrurka HYDA, Wasiiru-dawlaha iyo Wasiir-ku-xigeen Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, masuuliyiin ka socday Ha’yadda Pharo Foundation iyo dadweyne tiro badan.

Ugu horeyn waxa ka hadlay ujeedada mashruucan Agaasimaha  ururka HYDA Khaalid Xaaji Aadan Cabdi, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Mashruucani wuxuu ka koobnaan doonaa in la sameeyo waaxdii ka shaqaynaysay barbaarinta carruurta, waxaana loo tababari doonaa macalimiintii, waxa kale oo loo samayn doonaa manhajkii ay ku shaqayn lahaayeen macalimiintaasi waxa kale oo loo dhisi doonaa 14 fasal oo 7 dugsi oo ku yaala Hargeysa, waxaanan rajaynayaa in dugsiyadda dawliga ahi noqdaan meel ay kasoo bilaabmaan barbaarinta carruurtu.”

Agaasimaha Oo Hadalkiisa sii wataana waxa uu yidhi:

“Waxaanu mashruucan wada diyaarinaynaa anaga(HYDA) iyo Wasaarada Waxbarashadu muddo Sanad ah oo aanu u gudbinay Hay’ada Pharo Foundation oo aanu ka dhaadhicinay muhiimada ay leedahay, waayo anagu urur ahaan waxaanu eegnaa mashaariicda dalak waxtaraya, ee runtii taabanaya min fiqiir ilaa taajir, markaa waa in aynu helnaa carruurta yaryar ee guryaha Jooga ee aan waxbarashada helin nee waalid koodna aanu awoodda lahayn in uu lacag qaaliya ka bixiyo in aanu ku xidhno dugsiyada Dawliga ah si ay hadhaw ugu fududaato waxbarashadoodii aasaasiga ahayd, waayo qofka soo mara bar baarinta carruurtu wuxuu ka duwan yahay kii aan soo marin.”

Waxa kale oo munaasibadan ka hadashay Caasha Axmed oo ka socotay Hay’adda Pharo Foundation oo maalgelisay mashruucan ayaa waxay si qoto dheer uga hadashay ahmiyada mashruucan, waxaana hadaladeedii ka mid ahaa:

“Aadbaan ugu mahad celinayaa HYDA oo la timid fikradan cusub oo waddankana baahi ka jirta ahayd, waayo wax walba waxa laga bilaabaa waxa weeyaan seeska, markaa ilmaha haddii aan waxbarashada aasaasiga la siinin, waxa meesha ka maqnaanaya aqoontii ilmaha ee barbaarinta, arrintaasi markaaa waxay u baahan tahay in waalidkii laga dhaadhiciyo.”  

Mashruucan oo ay wada-jir uga shaqayn doonaan HYDA iyo wasaaradda Waxbarashadu ayaa waxa sidoo kale ka hadlay wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Yuusuf Cismaan Garas oo ka waramay ahmiyada uu mashruucan leeyahay iyo in ay soo dhoweynayaan ka wasaarad ahaan, waxaana hadalkiisa ka mida ahaa:

“Ka wasaarad ahaan waanu soo dhoweynaynaa mashruucan oo wax badan ka tari doona barbaarinta carruurta yaryar wakhtiga waxbarashadooda hore, wasaaradduna waxay xooga saaraysaa wakhtigan in horumarinta manhajka iyo tayeynta macalimiinta, si loo helo arday dhisan oo la jaanqaadi kara ardayda waddamada jaarkeena.”

Ugu dambeyntii waxa xafladan lagu daahfurayey mashruuca horumarinta barbaarinta carruurta Wasiiru Dawlaha Wasaarada Waxbarashada Axmed Nuur Faahiye, isagoo ka hadlaya ahmiyadda mashruucanna waxa uu yidhi:

 “Mashruucan aynu maanta halkan ku haynaa waa wax loo baahnaa, markii hore inagu waynu lahayn barbaarinta laakiin mid cilmiyaysan muu ahaan jirin, waxaynu samayn jirnay markuu ilmuhu afar jir gaadho waxa la gayn jiray malcaamad oo lagu tababari jiray, looma dhigi jirin quraan uun laakiin wax badan baa la bari jiray. Barbaarinta carruurta waxa lagu barayaa ilmaha waxaanu lahayn wuxuu leeyahay, wuxuu yahay, wuxuu noqon doono, ilmuhuna marka maskaxdiisa loo sii daayo ee la yidhaa wax samee wuxuu samaynayaa wuxuu doonayo waxaasuunbuuna mustaqbalka noqon doonaa.”

Mashruucan oo tijaabo ah ayaa waxa uu noqonayaa mashruucii ugu horeeyey laga hirgaliyo gayiga Somaliland, kaas oo socon doonna muddo 18 bilood, sidoo kalena waxa ka faa’iidaysan doona mashruucan arday gaadhaysa 420 oo ka kala iman doona dugsiyadda hoose ee Hargeysa, sidoo kalena waxa uu mashruucani tababar siin doonaa 28 macalin iyo samaynta manhajka barbaarinta carruurta Somlailand, halka dugsiyadda hoose ee mashruucan ka socon doonna loo dhisi doono 14 fasal oo dugsigiiba laga dhisi doono 2 fasal.

hyda 6 HYDA 7

HDYA 77

HYDA 3 hyda 4

Halkan hoose ka daawo warkan:

bandhige@gmail.com