Ururka Waddaniga ee HYDA waxay shir u qabteen 7 dugsi hoose dhexe oo ay ka bilaabeen mashruuca barbaartinta carruur

 

Shir lagaga wada hadlaayo sidii toboba iskuul dugsi hoose dhexe oo laga bilaabay mashruuca barbaarinta carruurtu ay guddiyada waalidiintu u sii hormarin lahaayeen dugsiyadaasi laga bilaabay mashruuca barbaarinta carruurta ee magaalada Hargeysa ayaa wuxu ka furmay Huteelka Summer Time.

Shirkani oo ay soo qaban qaabisay haa’ayada waddaniga ah ee HYDA, waxa ugu horayn ka hadlay agaasimaha fulinta ee HYDA Khaalid Xaaji Aadan Cabdi “Jiilaani” isagoo ugu horayn u mahad celiyay Illaahay, waxaa kale oo u mahad celiyay guddiga waalidiinta ee todobada dugsi ee magaalada Hargeysa ee mashruucani barbaarinta carruurta laga bilaabay oo kala ahaa 31May, Axmed Dhagax, Maxamed Cali Dayib, Maxamed Mooge, Sheikh Bashiir, Sheikh Cali Ibraahim iyo Sheikh Yusuf Kaynuun.

Agaasime Khaalid wuxuu sheegay in ay gaadhay wakhtigii ay ka shaqayn lahaayeen sii horumarinta dugsiyada maadama uu dhammaanaayo hal sanno oo wax kasta laga caawinaayay haday noqoto dhismayaashii 14 fasal ahaa, macalimiinta mushaharkoodii, ardayda waxay wax ku baran lahaayeen iyo dirayskoodii ay xidhan lahaayeen iminka uu u baahan yahay dugsi kasta iyo carruurta dhiganaysa in aanu xidhmin dugsigu mashruucani dabadii, ayna muhiim tahay in laga wada shaqeeyo xukuumadda, waalidka iyo HYDA-daba sidii uu u sii socon lahaa ee aanu ku xidhmin  halkaasi uu maraayo maanta ee wax kastaaba ay u dhamaystiran yihiin, isagoo hadalkiisii sii wata wuxuu yidhi waxaa ka go’an wasaarada in ay masuuliyada buuxda iska saarto sidii ay waddanka oo dhan ugu faafi lahaa barnaamijkaasi ay bilowday HYDA oo ay maalgalisayno ha’ayada Pharo Foundation.

Waxa kale oo Agaasimuhu ku booriyey guddiyada iyo waalidiintaba in ay la yimaadaan wixii ay kaga qayb qaadan lahaayeen, sidii mashruucaasi u taabo gali lahaa iyadoo aanay Ha’yaddi maalgelinayn.

Waxay guud ahaan isku raaceen in mashruucani barbaarinta carruurta oo ay dhiganayaan 420 arday dugsi kastaan ay dhigtaan hada 60 arday  oo da’doodu u dhaxayso 4 sanno jir ilaa 5 sanno jir uu haatan midho dhal yahay sannadkani uu wax wayn ka taray tayadii waxbarasho ee carruurtaasi oo ay ka duwan yihiin carruurihii hore ee loo qaadan jiray fasalka koowaad haatan ay balan qaadayaan in ay sii horumariyaan dugsiyadaasi, gudcidu waxay kale oo balan qaadeen in ay waxii tamartooda ah aanay waxba kala hadhi doonin.

Ugu danbayntii waxay u mahad naqeen Illaahay, kadib markii ay ka mid noqdeen 60-ka dugsi ee ku yaala magaalada Hargeysa oo lagu sameeyey daraasada mashruuca kahor intii aan la bilaabin.

Waxa kale oo u mahad naqeen ha’ayada wadaniga ah ee HYDA shaqaalaheeda iyo madaxdoodaba sidii ay ugu fakireen dadkooda iyo dalkooda ee ay mashruucani ugu faa’iideeyeen dadka siiba danyarta ah ee aan karayn dugsiyada qaaliga ah, sidoo kale waxay u mahadnaqeen ha’ayada Pharo foundation oo maalgalisay mashruucani barbaarinta carruurta oo ay tahay markii ugu horaysay ee laga hir galiyo dugsiyada dawliga ee dhammaan gobolada Somaliland ka jira  iyadoo ha’ayado caalamiya iyo kuwa Qaramada Midoobay midkoodna aanu maalgalin iskuul qudha barbaarinta carruurta ah, waxa kale oo si way ugu mahadceliyeen wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdilaahi Ibraahim Habane oo kala shaqeeyay HYDA in uu hirgalo  mashruucani waxaanu  kusoo gab gaboobay shirkani oo hal maalin socday is af garad iyo in ay balan qaadeen guddiyadii Dugsiyada in ay la iman doonaan waxay balan qaadeen intaanu dhammaan mashruucu siina wadi doonaa si carruur badani ay uga soo baxaan oo aanu halkaasi  ku ekaan.

Ururka Waddaniga ah ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano HYDA iyo wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare waxay si wada-jir ah u daah fureen mashruuca barbaarinta carruurta yar yar, munaasibadan oo aad loo agaasimay waxa ka soo qayb galay madaxda urrurka HYDA, Wasiiru-dawlaha iyo Wasiir-ku-xigeen Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, masuuliyiin ka socday Ha’yadda Pharo Foundation iyo dadweyne tiro badan.

Mashruucan barbaarinta Carruurta ayaa waxay HYDA iyo wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare waxay si wada-jir ah u daah fureen 23 bishii Diisambar sannadkii 2015-kii.

Halkan hoose ka akhriso bilow daah-furka mashruucan:

Ururka waddaniga ah ee HYDA iyo Wasaaradda Waxbarashadu waxay wada-jir u daahfureen mashruuca barbaarinta carruurta

bandhige@gmail.com