Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay baadhitaan ku samaynaysaa dilalka saraakiisha ciidamada

Tan iyo intii ciidamada derajada lagu taxay waxa isa soo tarayey dilalka saraakiisha ciidanka ay u gaysanayaan askarta ay maamulaan, taas oo aan wali baadhitaan rasmiya  lagu samayn isla markaana dadweynaha la soo hordhigin waxa sabab u ah iyo sida loo baajin karo.

Shir-saxaafadeed uu maanta Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami ku qabtay xafiiskiika ayuu kaga warbixiyey aragtida xukuumadda ee dilalkan la xidhiidha iyo tallaabooyinka ay xukuumaddu qaadi doonto. Hadalkiisii waxa ka mid ahaa:

“Arrintani waa mid innagu cusub. Waxay ahayd mid ciidankeenu ka samato-baxsanaa, kuwaas oo habeen iyo maalin heeganka innoogu jira. Runtii dilalkan is-daba-joogga ah ee dhacay waxa lagu tilmaami karaa nasiib-darro ku soo korodhay Qaranka. Wali qaar ka mid saraakiisha qaranka qiimaha weyn ugu fadhiya ayaa dhawaceedii la jiifa, waxa u dambaysay tii Boorama lagu toogtay Taliyihii Ciidanka Qaranka Aagga Galbeedka.  Waxaan odhan karaa waa nasiib darro dhacday hase ahaatee aan hore uga jirin dalka. Wax-ka-qabadkii maqaadiirahaas dhacay wuu noo dambeeyaa” 

Mar ay warbaahintu wax ka waydiisay Cadami sababta ay u aanaynayaan in ay keenayso dilalkan,  waxa uu ku jawaabay:

“Waa lagama-maarmaan in baadhitaan lagu sameeyo sababta keenaysa dilalka is-daba-joogga ah ee saraakiisha, runtiina waanu ka wada hadalnay Wasaaradda Arrimaha Guddaha, oo waxaanu isla soo qaadnay in si dhakhso ah baadhitaan loo bilaabo. Marka la ogaado mid kasta sababta keentay waxa soo bixi doona wixii laga qaban lahaa. Wax kasta oo ku cusub dunidu waxay ku samaysaa baadhis, arrintanina waa mid dhaawac weyn loogu geystay saraakiishii muddada dheer waddanka u soo halgamayey.”

Wasiirka waxa la waydiiyey doorka darajooyinkii ciidamada la siiyey ay ku leeyihiin dilalkan dhacaya, wuxuna ku jawaabay:

“Maya ma jirto cid bartilmaameedsanaysa derajada iyo dirayska, laakiin hadda qofka naftiisii qaaliga ahayd ayaa la weerarayaa oo waxyaalo aan la isugu iman ayaa jira. Runtii darajadii ciidamada la siiyey milatariga moral-kooda ayay kor u qaaday oo dadaal badan ayaa la galiyey, Allena waa inagu guuleeyey, markaas hawshaa derajo bixintu mid khayr qabta oo sumcaddii iyo mooralkii ciidankaba kor u qaaday ayay ahayd.”

Ugu dambayntii Wasiirka Wasaadda Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa sheegay in gacanta lagu hayo dhammaan gacan-ku-dhiigleyaashii dilalka gaystay, marka laga reebo hal nin, kuwaas oo dhamaantood sharciga la marin doono sida ugu dhakhsaha badan.

“Dhammaan waanu haynaa gacan-ku-dhiigleyaashii dilalka gaystay mid mooyaane, hadda afar ayaanu haynaa. Qisaastooda waxa loo fulin doonaa sida ugu dhakhsaha badan” ayuu yidh Wasiir Cdami.  

Dhawaan lix gacan-ku-dhiigle oo ay xukuumaddu qisaastooda fulisay waxa aad uga cadhooday Midowga Yurub oo ku tilmaamay in ay Somaliland qaadday tallaabooyin ay dib ugaga noqonayso horumarkii iyo horu-socodkii ay samaynaysay. Lama oga in ay hadda oo ay xukuumadda Bulshada Caalamka qaarkeed isku seegan yihiin arrimo siyaasaaseed ay ku dhiiran doonto fulinta qisaastan. Bal aan dhawrno muddooyinka soo socda ayay wax waliba kala caddaan doonaane.

bandhige@gmail.com