Xildhibaan Xasan Cawaale wuxu ayaan-darro ku tilmaamay toogashada boolisku u gaysto dadka rayidka ah

Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ah Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa la hadlay warbaahinta wuxuna ayaan-darro ku sifeeyey ficillada ay ciidamada boolisku xabbadda kula dhacayaan dadka rayidka ah, gaar ahaan carruurta.

Todobaadkii ina dhaafay ayaa booliska Somaliland ay xabbad la dhaceen qoyska Axmed Jabaan oo ka mid ahaa halgameyaashii SNM kadib markii ay ka soo horjeedsadeen in ay ka guuraan guriga ay deggan yihiin oo ay ku noolaayeen ka badan labaatan sanno.

Waxa madaxa laga toogtay wiil 11-jir ah oo halkii ku qudh-baxay, sidoo kale waxa lug laga toogtay wiil kale oo ay walaalo ahaayeen iyadoo wiil saddexaadna dhuunta lagu celiyey.

Sidoo kale waxa saldhigga Ibraahim Koodbuur ee Hargeysa ku qudh-baxay wiil dhallinyaro ah oo ka mid ahaa dadkii loo xidhixidhay mudarahaadka dhacdada aan kor ku soo sheegnay iyadoo ay ku dhaceen afar xabbadood oo ay midi madaxa ka cuskatay kuwaas oo uga yimid askari ka hawl-galayey saldhigga uu ku xidhnaa.

Xildhibaan Xasan Cawaale waxa uu tilmaamay in aaanay garanayn sababta keentay in dilalku ay noqdaan kuwo soo noqnoda isaga oo ciidanka falalkan ku kacayna ku tilmaamay qaar aan aqoon u lahayn adeegga ay bulshada u hayaan.

“Wiil yar oo 11-jir ah in xabbad dhafoorka lagaga dhufto waa mid sharciga baal-marsan ciidankana aan waajib ku ahayn. Waxa ku ceebaysan xukuumadda” ayuu yidhi Xasan Cawaale.

Xildhibaa Xasan waxa kale oo uu ka hadlay wiil yar oo saldhigga ku xidhnaa oo u geeriyooday xabbad uu ku dhuftay isla askarigii amnigiisa ilaalinayey. Wuxuna yidhi:

“Waxa la ii sheegay in wiil yar oo 16-jir ahi in uu saaka (Sabti) u geeriyooday xabbad uu la dhacay askari ka tirsan Ibraahim koodbuur. Waa ayaan-darro beryahan dambe innagu soo kordhay in ubadka la laayo.  Adduunyadu way ka ilmaysaa oo way ka qaylisaa in carruurta ama ubadka la laayo ama dhaawac la gaadhsiiyo. Isweydiintu waxay tahay kuwaanani maxay yihiin, miyaanay carruur ahayn?”

Taliyaha booliska waan u yeedhaynaa waxanan waydiinaynaa sababta ay falalkani u dhaceen. Ma ciidankiisa ayaan tabobarnayn mise isaga ayaan ugu wacan in ay waxan sameeyaan.

Ugu dambayn Xildhibaan Xasan Cawaale wuxu xukuumadda ugu baaqay in ay dib isugu noqoto oo ay joojiso gacantan fudud.

Bandhige@gmail.com