Saddexda Xisbi oo Isniinta kulan saddexaad u ballamay iyo guddi madax-bannaan oo laga yaabo in ay dhexdhexaadin galaan

Guddoomiyeyaasha saddexda xisbi qaran Muuse Biixi Cabdi (Kulmiye), Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Waddani) iyo Faysal Cali Waraabe (UCID) iyo madax kale oo la kala socotay ayaa maanta sidii la filayey mar kale ku kulmay Ambassador Hotel, Hargeysa.

Warfidiyeeno door ah ayaa subaxnimadii hore ee maanta ku qulqulay Ambassador Hotel iyagoo filayey in uu shirku goor hore bilaabmo, hase ahaatee wuxu qabsoomay salaaddii duhur kadib iyadoo kulankuna isku bedelay qado-wadareed lagu dul shirayey.

Madaxweyne-Xigeenka Somaliland oo warbaahinta la hadlay markii kulanka laga soo baxay ayaa sheegay in Isniinta mar saddexaad loo ballamay in wada-hadalku halkiisii ka sii socdo.  Sababta maanta natiijo sugan loo gaadhi waayey ayuu ku sheegay in ay tahay hawsha gacanta lagu hayo oo culus una baahan in wakhti ku filan la siiyo.

Guddoomiye Muuse Biixi ayaa horey u sheegay in wada-hadalka la filayo in uu ka soo baxo xal siyaasi ah oo u  cuntama saddexda xisbiba. Waxa muuqata in yoolkaas  aan weli la gaadhin.

Dhanka kale waxa la isla dhex marayaa in guddi dhexdhexaad ah oo iskeed isku xil-qaantay ay arrinka dhexdhexaadin ka geli doonaan.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland “SOLJA”, Maxamuud Cabdi Jaamac “Xuuto” ayaa mar dhawayd barta uu ku leeyahay Facebook-ga ku daabacay in guddi is-xilqaan ahi dhexdhexaadin doonaan xisbiyada.

Guddoomiye Xuuto wuxu sheegay in guddidan oo ay ka mid yihiin ganacsato, culumaa-u-diin, aqoonyahan iyo siyaasiyiin aan weli si rasmi ah loo shaacin laakiin ay durba bilaabeen dhaqdhaqaaq laga dareemayo Hargeysa.

Guddi dhexaad ah

Guddoomiyaha SOLJA wuxu intaas ku daray in guddidu dhinacyada gooni-gooni ula kulmayaan si ay kalsoonidooda u helaan.

Hase ahaatee ma uu caddeyn in ay guddidu shaqadooda bilaaban doonaan isla berito iyo in ay ka dhursugi doonaan shirka loo ballamay Isniinta. Sidoo kale, lama saadaalin karo in xisbiyada qaranku ay guddida siin doonaan kalsooni buuxda.

bandhige@gmail.com