Wada-xaajoodkii nukliyeerka Iiraan waa la isku mari la’ yahay, wakhtigii kama-dambaysta ahaana waa la isla dhaafay

Wada-xaajoodka nukliyeerka Iiraan ee Vienna ka socda oo ay ka qayb-qaadanayaan dawladaha Ingiriiska, Shiinaha, Jarmalka, Ruushka iyo Marakanka iyo madax metelaysa dawladda Iiraan ayaa ilaa hadda la isku mari la’ yahay, wakhtigii kama-dambaysta ahaa ee loo qabtay oo maanta ku egna sida muuqata waa la isla dhaafayaa.

Saddex bilood iyo badh ayaa ka soo wareegtay markii la gaadhay heshiikii ku-meel-gaadhka ahaa ee gogo-xaadhka u noqday wada-xaajoodka hadda socda.

Halka ugu adag ee hadda la isku mari la’yahay waa gantaallaha ballistikada la yidhaa ee difaaca gantaalaha dibedda kaga imanaya dalka oo ay Iiraan rabto in loo ogolaado in dib ay u bilaabato kadib markii 13 sanno ka hor laga joojiyey. Iiraan sidoo kale waxa ay rabtaa in cumo-qabataynta guud ee hubka laga qaado.

“Wada-xaajoodku wuu dhaafay wakhtigii kama-dambaysta ahaa ee loo qabtay oo maanta ku ekaa. Waxan filaynaa in uu maalmo kale qaato. Waxanu doonaynaa in aanu awood u yeellan karno in aan dhisano gantaalaha difaaca ee ballistikada loo yaqaan kuwaas oo aan xidhiidh la lahayn nukliyeerka” ayuu yidhi Mogherini oo ah Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Iiraan.

Hase ahaatee xubnaha Reer-Galbeedka uga qayb-galaya wada-xaajoodka oo uu horkacayo Xoghayaha Dibedda ee Maraykanka John Kerry ayaa tibaaxay in aanay hadda wax abateed ah u hayn gantaallaha ballistikada balse wada-xaajoodku diiradda saarayo nukliyeerka.

Khubaro wax laga weydiiyey sida uu xaalku u socdo waxa ay sheegeen in haddii heshiiskan fashilmo ay Iiraan iyo kuwa ay cadowga isku yihiin meel halis ah isla geli doonaan. Dhinaca kale waxa ay sheegeen haddii heshiiskani guulaysto in uu soo afjari doono 13 sanno oo ismar-waa ah oo u dhaxeeyey Iiraan iyo Reer-Galbeedka.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykan John Kerry oo lahaa hindisaha wada-hadalkan ayaa 31-kii May ku dhaawacmay baskiilad uu ku dhex watay dalka Faransiiska hase ahaatee 27-kii Juun ayuu dib ugu soo laabta miiska wada-xaajoodka, taas oo dunida u muujisay sida ay Maraykanka uga go’an tahay in xal laga gaadho arrintan nukliyeerka Iiraan.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka