Xoghayaha Guud ee Waddani wuxu xukuumadda ugu baaqay in ay dhakhso u fuliso heshiiskii ay la gashay xisbiyada

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Xoghayaha Guud ee Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo warbaahinta la hadlay ayaa ka digay in xukuumaddu ay ka baxdo heshiiskii ay la gashay saddexda xisbi kaas oo uu ku sheegay in uu yahay mid ummadda Somaliland ay gaadh ka hayso.

“Heshiiska xisbiyadda iyo xukuumaddu wada galeen waa mid ummadda oo dhami og tahay, waana mid aan laga bixi karin. Xukuumaddana waxan ugu baaqayaa in ay sidiisa u fuliso.

Maxamed Uurcadde wuxu sheegay in fulin la’aanta heshiiskani uu caqabad ku yahay habsami u socodka hawlaha Komisha Doorashooyinka Qaranka, kuwaas oo weli ka dhursugaya dhinaca uu heshiisku u ciiro.

Xoghayaha Waddani wuxu sheegay in hadal-haynta joogta ah ee heshiiskani uu niyad-jab ku keenayo dadweynaha Somaliland oo ay dhaqaale-xumo soo wajahday, kuwaas oo durba dareemaya in dushooda la isku haysto iyadoo aan laga arriminayn dhibaatooyinka iyaga gaarka u haysta ee dhaqaaluhu ka mid yahay.

Xoghaye Uurcadde wuxu sheegay in ay xukuumadda dan u yahay fulinta heshiiskani loogana fadhiyo in ay sida ugu dhakhsaha badan u meel mariso.

Bandhige@gmail.com