Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Dagaalka Israa’iil Iyo Falastiiniyiinta

Ururka Xamaas Ayaa Sheegay In Ugu Yaraan 55 Qof Lagu Dilay Weerarro Xalay Ay Israa’iil Ku Mirtay Marinka Qaza

Geesta Kale Israa’iil Ayaa Sheegtay Inay Duqaysay Masaajid Ku Yaalla Xerada Qaxoontiga Ee Jenin Ee Daanta Galbeed, Iyada Oo Kooxaha Caafimaadka Falastiiniyiintu Soo Tabinayaan In Ugu Yaraan Hal Qof Halkaa Ku Dhintay.

Aqalka Gaashaandhigga Maraykanka Looga Taliyo Ee Pentagon Ayaa Sheegay In qalabka Hannaanka Difaaca Cirka ay U Dirayaan Bariga Dhexe.

Cadaadisyo Caalami Ah Iyo Kuwo Maxalli Ah Ayaa Ku Sii Kordhaya Israa’iil, Kuwaasoo Lagu Dalbanayo Inay Ka Shaqayso Sidii Loo Sii Dayn Lahaa Maxaabiis Kale, Iyada Oo Xamaas Iyo Israa’iil Wali Isku Maan-Dhaafsan Yihiin Qaabka Maxaabiistaasi Loo Sii Daynayo.

Baabuur Ay Leedahay Hay’adda Laanqayrta Cas Oo Sida Cunto Iyo Daawo, Balse Aan Sidin Wax Shidaal Ah Ayaa Magaalada Qaza Kasoo Galay Dhanka Masar

Ug Yaraan 4, 385(Afar kun saddex boqol iyo shan iyo siddeetan) Qof Oo Falastiiniyiin Ah Ayaa Lagu Dilay Weerarrada Ay Israa’iil Ku Qaadday Qaza Tan Iyo Intii Xamaas Weerartay Israa’iil Kaasoo Ay Ku Dishay In Ka Badan 1,400( Kun iyo afar boqol) Oo Qof.

 

 

Somaliland News Agency

Cabdiraxmaan Hayaan