Wareeggii saddexaad ee wada-hadallada xisbiyada iyo xukuumadda oo wali socda

Sida ay tibaaxayaan warar aanu ka helayno ilo ka ag dhaw dhinacyada wada hadlaya, waxa weli soconaya wareeggii saddexaad ee wada-hadallo u dhaxeeya xisbiga talada haya Kulmiye iyo xukuumadda oo dhinac ay iyo labada xisbi mucaarid Waddani iyo UCID.

Ka hor intii aan maanta la gudogelin wada-hadallada rasmiga ah waxa qado-wadareed lagu qaatay Maansoor Huteel, Hargeysa, si loo sii dejiyo jawiga kulanka, kadibna waxa qayilaad la wada fadhiistay guriga Madaxweyne-ku-Xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi “Saylici”, kaas oo ilaa hadda socda.

Wada-hadalladan ayaa bilaabmay Arbacadii ina dhaaftay kadib markii  xisbiyada mucaaridku ku gacan-saydheen muddo-kordhin 22 bilood ah oo Golaha Guurtidu u sameeyeen xukuumadda iyo Golaha Wakiillada.

Sabtidii ayaa mar kale lagu kulmay Ambassador Huteel kaas oo natiijo la’aan dhammaaday.

Guddoomiyaha Waddani ayaa shalay walaac ka muujiyey dib-u-dhac hal maalin ah oo ku yimid wareegga saddexaad ee wada-hadalka oo loo ballansanaa Isniintii, kadib markii sida la sheegay Madaxweyne-ku-Xigeenku shaqo degdeg ah  ugu baxay Berbera.

Hase ahaatee Guddoomiye Cirro wuxu sheegay in  Waddani ku sii jirayo wada-hadalka ilaa ay quusanayaan ama natiijo la gaadhayo.

Muuse muddo-kordhinga

Dadweynaha Somaliland iyo daneeyayaasha ay Beesha Caalamku ugu horeyso ayaa 6dii maalmood ee ina dhaafay dhegaha u taagayey waxa ka soo bixi kara wada-hadalkan.

In kastoo ilaa hadda aan natiijo laga gaadhin kulammada ay dhinacyadu wada qaateen isla markaana aanu jirin dhinac muujiyey in uu ka tanaasuli karo mowqifkiisa, haddana waxa ay dad badani ku niyadsan yihiin in ugu dambaynta wax la isla meel dhigi doono iyagoo ka duulaya xikmaddii ahayd “aan wada hadalno waa aan heshiino”.

Bandhige kala soco wixii hadba ka soo kordha.

Waxa diyaariyey: Axmed Ceelaabe

bandhige@gmail.com