Weerar gaadmo ah oo lagu hoobtay ayaa lagu qaaday Booliska Kiiniya

Ugu yaraa 20 booliska Kiiniya ka mid ah ayaa dhintay tiro kalena way dhaawacmeen ka dib markii kolanyadii ay la socdeen Al-shabab ku qaadday weerar kediso ah .

Sidaas waxa maanta shaaciyey Afhayeenka Hawlgallada Al-Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab.

Weerarku wuxu ahaa jidgooyo, wuxuna  caweysinkii xalay (Isniintii) ka dhacay degmada Yuumbis oo Gaarisa 70 kiiloomitir waqooyi ka xigta, una dhaw soohdinta u dhaxaysa Kiiniya iyo Soomaaliya.

Kani waa weerarkii saddexaad ee ay kooxdan mintidka ahi ka fuliso Kiiniya dhexdeeda toddobaad gudihii.

Wali waxa maskaxda reer Kiiniya ka sii guuxaya weerarkii argagaxa lahaa ee ay Al-Shabaab bil ka hor la beegsadeen Jaamacadda Gaarisa, kaas oo ay ku naf waayeen 150 qof oo arday iyo shaqaale isugu jiray.

George Kinoti, Af-hayeenka booliska Kiiniya, wuxu sheegay in 13 sarkaal ilaa hadda la la’yahay kadib jid-gooyadii habeen hore.

“Waxa aanu dirnay ciidamo soo raadiya halka ay saraakiishaasi ku dambeeyeen iyo waxa ay la kulmeen” ayuu yidhi Kinoti.

Weerarrada Kiiniya 2

Weerarrada Al-shabaab ku qaaddo Kiiniya waxay bilaabmeen markii ciidamo Kiiniyaan ahi 2012-kii ku biireen hawlgalka AMISOM ee nabad-ilaalinta u jooga Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobollada hadda la baxay Maamul-Goboleedka Jubbaland .

Dadka arrimaha milatariga la socdaa waxay walaac ka qabaan jawaabta ciidamada amniga ee Kiiniya ka bixyaan weerarrada Al-shabaab oo ah mid raagta marka la eego sidii ay ula tacaaleen weerarradii horey uga dhacay gudaha Kiiniya.

 

bandhige@gmail.com