Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu waxay tababar ugu soo xidhay magaalada Boorama 30 dhallinyaro ah

 

Agaasimaha Waaxda Dhalinyaradda Ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL. Mustafe A. Nour, Isuduwaha Gobolka Awdal Xasan siciid Ayaa maanta soo xidhay tababar ku saabsanaa samaynta kaambaynka wacyigelinta bulshada ee ku saabsan yaraynta rabshadaha dhalinyarada iyo ka qayb qaadashada nabadda iyo amniga.

Tababarkan oo ay ka faaidaysteen 30dhalinyarro ah oo ka kala socday ururada dhalinyaradda ee gobolka Awdal ,waxaana uu usoo socday muddo 2cisho ah, iyada oo intaasi uu socday lagu baraayey dhalinyaradaasi sida kaambaynada waxtarka leh loo sameeyo ee ay kamid tahay wacyigelinta bulshada iyo yaraynta rabshadaha.

bandhige@gmail.com