Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaaa shaaciyey imtixaankii

shahaadiga ee dugsiyada sare iyo kuwo dhexe ee dalka oo dhan.Munaasibada shaacinta imtixaanka Shahaadiga ah ee dalka ayaa lagu qabtay degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil, waxana ka qayb galay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Mudane Axmed Diiriye Toorno, guddoomiyaha xafiiska Imtixaanka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax iyo masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Saaxil.

Gudoomiyaha xafiiska Imtixaanka Qaranka JSL, Mudane Daa’uud Axmed Faarax, ayaa sheegay in tiradda ardayda u fadhiisatay dugsiyada hoose dhexe ay dhammaayeen labatan kun sagaal boqol iyo konton arday, halka 177 ardayna aanay imtixaanka galin oo ay ka habsaameen, waxa gudbay 19,441 arday, waxa dhacay 1,332 arday.

Dugsiyadda sarre waxa imtixaanka u fadhiistay 14,039 arday, waxa uu xusay in aanay imtixaanka gelin 108 arday, waxa gudbay 13,574, waxa dhacay 357 arday.

Guud ahaan waxa labada fasal ee dugsiga sare iyo kuwo dhexe ka dhacay tiro dhan 1,689 arday.

Sidoo kale, waxa lagu dhawaaqay tobankii dugsi ee ugu sarreeyay dugsiyada sarre iyo tobankii kuwa hoose dhexe ugu sarreeyay.

Gaba-gabadii wasiirka waxbarashada JSL, ayaa ardayda Imtixaanka loo yeedhiyey u hanbalyeeyay guusha ay ka gaadheen geedi-goodi waxbarasho.