Wasaaradda Warfaafintu waxay furtay shir lagu dhammaystirayo istiraatijiyad 5 sanno ah

DSC03011
Aqoon-is-weydaarsiga waxa ka qayb-galay saraakiil ka kala socotay xafiisyo kala duwan

24 sanno kadib markii koowaad ayaa Wasaaradda Warfaafintu ay yeelan doontaa istiraatijiyad 5 sanno ah.

Subaxnimadii hore ee maanta ayaa Wasiir-Xigeenka Warfaafinta iyo Agaasimaha Guud ay Ambassador Hutel ka fureen aqoon-is-waydaarsi lagu lafo-gurayo dhammaystirka istiraatijiyadda warbaahinta qaranka iyadoo la axadhayo istitaatijiyad qabyo-qoraal ah oo ay wasaaraddu horey u diyaarisay.

DSC03036
Wasiir-Xigeenka Warfaafintu waxay warbaahinta gaarka loo leeyahay ugu baaqday waddaniyad

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Cilmi Aadan ayaa sheegay in istiraatijiyaddani marka la dhammaystiro ay noqon doonto dariiqa ay wasaaradda warfaafintu u mari doonto horumarkeeda 5ta sanno ee socda.

“Istiraatijiyaddan oo in muddo ah hawsheeda aan ku soo jirnay, maantana halkan lagu dhammaystiri doono, waa mid aan aad ugu han weyn nahay, waana ta na hagi doonta 5ta sanno ee soo socda isla markaana na gaadhsiin doonta halka aanu hiigsanayno” ayuu yidhi Agaasimuhu.

Wasiir-Xigeenka Warfaafinta Shukri Ismaaciil Xariir ayaa iyaduna sheegtay in istiraatijiyaddani aanay khaas u ahayn wasaaradda warfaafinta balse ay tahay tii lagu hagi lahaa warbaahinta qaranka ka hawlgasha, mid dawladeed iyo mid gaar ah labadaba.

Suxufiga ruug-caddaaga ah Yoonis Cali Nuur ayaa isaguna sheegay in muddo 70 sanno ah ay tahay markii koowaad ee istiraatijiyad cilmiyeysan loo dejiyo Wasaaradda Warfaafinta.

Aqoon-is-waydaarsiga maanta waxa ka soo qayb-galay afartan sarkaal oo ka kala socday Wasaaradda Warfaafinta, ururrada bulshada rayidka ah, Qaramada Midoobay iyo hay’adaha caalamiga ah.

Aqoon-is-weydaarsigan oo ay maal-geliyeen UNESCO iyo Akaademiga Nabadda iyo Horumarintu wuxu socon doonaa 2 baalmood waxana la filayaa in uu soo xidhmo berito casarka.

Bandhige@gmail.com