Wasiirka Arrimaha Gudaha oo dhagax dhigay xarun ciidanka badda loo dhisayo

Wasiirka Arrimah Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde iyo Taliyaha Ciidanka Badda Admiral Maxamed Xuseen Faarax “Xiirane” ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay xarun cusub oo ciidamada baddu ku yeelan doonaan Hargeysa.

Xarunta loogu tala galay in laga maamulo ciidamada badda Somaliland waxa laga dhex dhisayaa xerada Birjeex ee ciidanka qaranka.

Ugu horrayn waxa munaasibadda ka hadlay Admiral Maxamed Xuseen Faarax “Xiirane.” Waxaa uu sheegay in xukuumadda Ingiriisku ay maalgelinayso dhismahan oo kor u qaadi doona tayada hawlgallada ciidamada badda iyadoo xarun kalena laga dhisi doono Berbera.

Taliye Xiirane wuxu mahadnaq u jeediyey taliyaha ciidamada qaranka Sarreeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqalle oo ogolaaday dhulka ciidanka badda loo dhisayo.

Ciidanka badda2

Marti-sharaftii kale ee madasha ka hadashay waxa ka mid ahaa Wasiirka Warshadaha Shucayb Maxamed Muuse iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancadde.

Wasiir Warancadde wuxu u mahadceliyey xukuumadda Ingiriiska oo uu ku tilmaamay mid barbar taagan Somaliland. Dhinaca kale waxa uu dardaaran u jeediyey ciidanka badda waxanu yidhi:

“Ciidanka badda Somaliland waxan leeyahay waad dedaalaysaane sii kordhiya. Somaliland waxay leedahay bad dheer oo qiimo ugu fadhida dunida. Ilaalinta nabadgalyada baddu waxay kor usii qaadi doontaa sharafta ciidanka badda iyo sharafta guud ee Somaliland” ayuu yidhi Warancadde.

Xukuumadda Ingiriiska ayaa Somaliland aad uga taageerta dhinaca amniga iyadoo dhismeyaal hore u samaysay taliska ciidanka booliska, xarunta CID-da, Wasaaradda Gaashaandhigga, Laanta Socdaalka iyo goobo kale oo muhiim ah.

Bandhige@gmail.com