Wasiirka Gaadiidka Cirka Iyo Dhulka Dawlada Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Salaad, ayaa safar dhawaan ku tegay Xafiiska, ICAO Fiss Nairobi waxana uu halkaasi shir kula yeeshay gabadha la yidhaado Ms Valentina isaga oo Wasiirku u sheegay in uu doonayo in hawada Soomaliya lagu soo wareejiyo, balse gabadhan ayaa waxa ay ku wargalisay in uu tago Xarunta ICAO ee Montreal, Canada.
Wasiir Maxamed Cabdilaahi Salaad waxa uu tagay Xarunta guud ee ICAO, (ICAO Headquarters, Montreal, Canada), waxaana uu halkaasi kula kulmay xoghaynta Guud ee ICAO Dr, Fang liu iyo Madaxa Farsamada ee ICAO Montreal Mr. Ivan Galan, waxana uu u soo jeediyey qorshihiisii ahaa in Hawada Soomaliya lagu soo wareejiyo, bal waxa ay ku war galiyeen in qorshaha ICAO yahay in ilaa 2018 la qalabeeyo Madaarada Soomaliya iyo Somaliland, sida Muqdisho, Hargaysa, Boosaaso iyo Kismaanyo, wixii intaa ka danbeeyana ay ICAO awood u leedahay in ay sii maamusho Hawada Somaliya, ilaa inta laga heshiinaayo.
Dhanka kale waxa Shir Hawada Soamliya laga hadlaayo lagu marti qaaday Wasiirka Duulista Somaliland oo ka dhacaaya Nairobi Kenya, balse Wasiirka Duulista Somaliland oo hadda Safar Jabuuti ah ka soo laabtay ayaa u igmaday Wasiir-ku-xigeenkiisa Guuleed Maxamed Shire oo hada isagu ku maqan.
Waxaa wakhtigan iska cad odhaadii Wasiirka duulista Somaliland ee ahayd:
“Warqad qoraal ah ayaan ka helay Xarunta ICAO ee Montreal oo waxa ay nagu war galiyeen in aanay dhacay in ay dhinac ku wareejiyaan hawada, oo kama shaki qabo.”