Wasiirka wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland,ayaa xilkii u kala wareejiyey wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaraddaaasi Marwo Rooda Jaamac Cilmi iyo Wasiir ku xigeenka cusub Saleebaan Jaamac Diiriye.

Wasiirka wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa xilkii u kala wareejiyey wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaraddaaasi Marwo Rooda Jaamac Cilmi iyo Wasiir ku xigeenka cusub Saleebaan Jaamac Diiriye.

Xisaabiyaha guud ee Qaranka Axmed Daa’uud Geedi iyo wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Marwo Rooda Jaamac Cilmi, waxa aanay shaqaalaha wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ku amaaneen shaqada adag ee ay Qaranka u hayaan, iyada oo Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaraddaasi Marwo Rooda Jaamac Cilmi uga mahadcelisay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaraddaas sidii ay ula soo shaqeeyeen mudadii ay xilka haysay.

Wasiir ku xigeenka cusub ee wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Saleebaan Jaamac Diiriye ayaa sheegay in uu hore wasaaradda uga shaqayn jiray, isla markaana aanay shaqadeedu ku cusbayn.

Gaba-gabadii wasiirka wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa uga mahadceliyey wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Marwo Rooda Jaamac Cilmi sidii ay qaranka ugu soo shaqaysay mudadii ay xilka haysay,waxaanu xilka iyo shaqada qarankaba ku soo dhaweeyay wasiir ku xigeenka cusub ee wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Saleebaan Jaamac Diiriye.

 

Xigasho:Wargeyska Dawan