Wasiiro u safray Imaaraadka si ay shirkadda DP World mar kale gorgortan ugala galaan Dekedda Berbera

Wefti miisaan leh oo uu hoggaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan kana mid yihiin Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Dr. Muuse Qaasim, Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Hawlaha Guud Abdirisaaq Khaliif Axmed iyo Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Maxamed Xoorxoor ayaa Salaasadii u kicitimay Isu-tagga Imaaraadka Carabta si ay wada hadal ula soo galaan shirkadda weyn  DP World oo caan ku maamulka iyo maaraynta dekedaha.

“Waxa aanu u baxaynaa Dubai si aanu ula soo kulano DP World kalana hadalno arrimo la xidhiidha dekedda Berbera” ayuu yidhi Wasiir Xirsi oo warbaahinta kula hadlay madaarka Hargeysa wax yar ka hor intii aanay duulimaadkooda bilaabin.

“Ma jiro wararka ay dadku meelahaas ka shubaan ee ay yidhaahdaan Berbera waa la iibinayaa. Berbera lamana iibin wax la iibiyona maaha. Waxa dhaafay dekedihii jaararka sidaas daraadeed si loo soo gaadhsiiyo maalgelin ayaa loo raadinayaa. Wax heshiis ah oo la gaadhay ma jiro oo weli  wada-hadal baa socda waanan eegaynaa dalabka cusub ee ay DP World meesha soo dhigtay kadib markii gorgortankii hore la isla meel dhigi kari waayey” ayuu raaciyey Wasiir Xirsi.

Qoraal kooban oo goor hore oo Arbacadii maanta ah uu Wasiir Xirsi ku daabacay bartiisa internet-ka wuxu ka dayriyey xaaladda Dekedda Berbera sida ay noqon doonto haddii aan maalgashi loo helin wuxuna yidhi “Waxaa hubaal ah haddii aynaan dekeddeena maalgalin iyo ballaadhin ku samayn in ay ka hadhayso kuwa jaarkeena oo dardar xoog leh ku socda.”

Horraantii bishii afraad ayay soo baxday xan isa soo taraysay oo tibaaxaysay in ay xukuumadda Somaliland iyo DP World ay gorgortankii ku heshiiyeen isla markaana ay Wasiirka Madaxtooyada iyo Wasiirka Hawlaha Guud ay u safri doonaa Dubai si ay u soo saxeexaan.

Ka hor intii aanay DP World hawshan soo gelin xukuumadda Somaliland waxay muddo sannad ka badan gorgortan kula jirtay shirkadda Faransiiska ah ee Bolloré Africa Logistics hase yeeshee waxay hadda u muuqataa in ay xukuumadda iyo shirkaddaasi kala dhaqaaqeen in kasta oo aanay marnaba xukuumadduu arrinta la xidhiidha wada-xaajoodyada Dekedda Berbera tafaasiil faahfaahin dheeraad ah ka bixin. Taasina waxay keentay in warbaahintu aanay awood u yeelan  in ay lafo-guraan faa’iido iyo khasaare midka uu hindisahani Somaliland u keeni doono mustaqbalka fog.

Wasiirka Madaxtooyadu Xirsi Cali Xaaji waxa kale oo uu sheegay  in ay jiraan shariikado kale oo xiisaynaya Dekedda Berbera soona gudbiyey danayntooda. Muu sheegin magacyadooda mana uu kala caddeyn in wada-xaajoodku isbarbar socdo iyo in shariikadaas loo gudbi doono oo kaliya haddii wada-hadalka kama dambaysta ah la isku diido DP World. Bandhige wuxu warar aan la xaqiijin karin ku ogaaday in shariikadaha kale ay ka mid tahay Kuwaiti Logistics.

In badan oo ka mid ah siyaasiyiinta iyo madax-dhaqameedka gobolka Saaxil iyo qaar ka mid ah saraakiisha mucaaridka ayaa dhalliilo soo noqnoqday u soo jeediyey xukuumadda Somaliland iyagoo xusay in aanay raali ka ahayn in dekedda Berbera maamulkeeda lagu wareejiyo shirkad ajaanib ah iyo in uu madmadaw ku jiro sida ay xukuumaddu arrinkan u maamulayso.

Dadka dhaqaalaha wax ka yaqaan ayaa qaar aanu wax ka waydiinay aaminsa yihiin  in laga faa’iidi doono maamulka iyo maalgashiga shariikadahan tii qandaraaska ku guulasataba, waa haddii marka hore lala garo gorgortan faa’iidadu dhinaca Somaliland u janjeedho. Hase ahaatee waxay sheegeen in aanay saadaalin karin  in dhaqaaha iyo dheefta heshiisyadan laga helayo ay noqon doonaan qaar qaranka oo dhami u sinnaado iyo in ay isku koobi doonaan inta middida daabkeeda haysa oo ay ka mid yihiin kuwa haatan gorgorkanka inoo metelayaa.

Jabuuti oo maalgeshi kan midkan ay Somaliland raadinayso la mid ah ayaa hore loogu sameeyey ayaa la sheegaa in ay dekedaheedu mahadiyeen isla markaana ay dhinaca saamayn wanaagsan oo muuqata ku yeesheen dhaqaalaha guud ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

bandhige@gmail.com