Weerar qarax ah ayaa mar kale lala beegsaday masaajid Sucuudiga ku yaal

Qarax  ay ku dhinteen ugu yaraan 4 qof tiro kalena ku dhawaacmeen ayaa lala beegsaday masaajid ku yaal magaalada Dammam ee ku taal gobollada bariga Sacuudiga goor ay ku tukanayeen dad Shiico ahi salaaddii Jimcaha, sida ay sheegeen saraakiil ka ciidamada bileysku.

Kooxda ISIS ayaa war-saxaafadeed ay ku baahiyeen baraha bulshadu kuwada xidhiidho ku sheegtay inay iyagu fuliyeen qaraxan.

Tobaad ka hor ayey ahayd markii ay kooxda ISIS weerar ismiidaamin ah ka gaysteen masaajid kale oo dad shiico ahi ku tukanayeen, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 21 qof.

Weerarkii masaajid imam Cali ee magaalada Al-Qadeeh wuxuu ahaa kii koowaad ee ay sheegtaan kooxda ISIS qaybteed Sucuudiga, taas oo la sameeyey dhammaadka sannadkii hore.

Weerarradan lala beegsanayo dadka Shiicada ah ee laga tirada badan yahay ee Sucuudigu waxay ku soo beegmeen goor uu dalka Yemen ka socdo dagaalka uu hoggaaminayo Sucuudigu.

Si kasta ha ahaatee weerarradan ka dhanka ah Shiicadu wuxu dagaal hor leh  ka dhex abuuri karaa Suniyiinta tira badan iyo Shiicada tirada yar ee Sucuudiga.

Bandhige@gmail.com