Wefti ka socda Isutaga Imaaraadka Carabta oo Berbera lagu soo dhaweeyey

????????????????????????????????????

Wefti balaadhan oo uu hoggaaminaayo Maxamed Kit oo ka tirsan saraakiisha sar sare ee qasriga madaxtooyada Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa maanta lagu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Berbera.

waxaana weftiga ku soo dhaweeyey halkaasi Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Somaliland Baashe Cawil Cumar oo ay wehelinayaan masuuliyiinta kala duwan ee Gobolka saaxil.

Wufuuda isdaba jooga ah ee ka socda Imaaraadka Carabta ayaa in dhawaydba ku soo qulqulaayey dalka taasi oo salka ku haysa xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo madaxweynuhu intii u xilka hayey uu dhawr jeer ku tegay socdaalo kala duwan Imaaraadka Carabta, isaga oo martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha isutaga Imaaraadka Carabta, taas oo sababtay in uu xoogaysto wada shaqaynta iyo xidhiidhka wanaagsan ee aynu wada yeelanay.

Geesta kale safiirka Imaaraadka u fadhiya Somaliland baashe Cawil ayaa u muuqda mid dardargaliyey xidhiidhka labada waddan kaasi oo intii uu joogay xafiiskaasi ay Somaliland ay yimaadeen weftiyo kala duwan oo ka socda Imaaraadku ay dalka yimaadaan gaar ahaan intii ay abaaruhu sameeyeen goboladda galbeedka iyo waqooyiga Somaliland.

ugu danbayn weftiga waxa loo soo gelbiyey qasriga Guriga martida Berbera, nasashada halkaas oo loogu sameeyey qado sharaf, ka dibna waxa halkaasi ka hadlay Baashe Cawil oo u mahadnaqay masuuliyiinta weftiga hoggaaminayey. ayaa sheegay in ay ujeedadu tahay ka war haynta wixii ay ka qabteen baahiyihii Madaxweynaha Somaliland u gudbiyey madaxweynaha Imaaraadka Carabta markii uu la kulmay iyo intii aan ka safiir ahaan joogayba wixii aanu ka codsanay ee ay ka mid ka ahaayeen baaqii abaaraha iyo biyaha oo hada si wanaagsan uga socda goobo badan oo dalka ka mida sidaa awgeed ayuu Madaxweynaha Imaaraadku u soo wakiishay sarkaalkan ka tirsan madaxtooyada Imaaraadku in uu soo indha-indheeyo, isaga oo kula noqon doona dalkiisi wixii ay ina tareen in ay shaqeeyeen iyo in kale.

weftigan oo maalmahan ku sugnaan doona dalka ayaa la filaa inay soo kormeeraan goobo dhawra.

safiirka Imaraadka Carabta

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

bandhige@gmail.com